Haykalkii Dawladnimo ee Gobolka Sool Ma waxa loo Lumiyey Kalshaale!

Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Maxamed Silaanyo waxa uu la wareegay Hogaaminta Qaranka 27 july 2010,  Haykal Dawladnimo  oo dhamaystiran, may ahayn arin fudud  Sees u dhigida dhisma Qaran oo ka hirgala Wadan go’doon ka ah Bulshada Caalamka balse waxaa hirgaliyey Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal waxaana dhamaystir ku sameeyey Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Haddii aan usoo noqdo ujeedada maqaalkaygan;  Umada Somaliland hogaaminta Qaranka waxay u dooratay Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, haseyeeshee; waxaynu hore ula soconay in dhacdo kasto oo la soo gudboonaata Xukuumadiisa inuu u magacaabo Guddi , inta la ogyahayna waxa uu magacaabay 11 Guddi oo ujeedooyin kala duwan loo xilsaaray, intooda badana aanu cayimin wakhtiga uu xilkoodu soo gaba gaboobayo, waxaa kale oo aynu ognahay in Guddiyada intooda badan ay warkooda inoogu dambayso magacaabidooda , nasiib darooyinka kale ee xusida mudan iyana waxa kamid ah in ay xubnaha gudida loo magacaabaa ay ku arkaan warbaahinta magacaabidooda horena aan loo ogaysiin sida dhacday magacaabidii u dambaysay ee Guddida Tacliinta Sare iyo Iscasilaadii Sh. Maxamed Cumar Dirir ee uu warbaahinta u sheegay inuu ku war helay markuu Magaciisa ku arkay Jaraa’idka. Arimahani waxay laf –jab ku yihiin Haykalkii Dawladnimo iyo waliba hogaamiyihii rug -cadaaga ahaa ee Axmed Siilaanyo oo aan tanoo kale looga fadhiyin.

Dhacdada labaad ee xusida mudan iyana waxay tahay Xalintii Degaanka kalshaale oo aynu wada ogayn Juhdiga iyo Maaliyada aad ka u badan ee ay Xukuumadu galisay iyo dhamaystir la’aanta Murankii Degaan ee Ceelbardaale ee Bulshadii muranku ka dhexeeyey gudahooda ay soo dhamaysteen balse intii Xukuumada kaga xidhnayd ay fadhiidka noqotay. Haddaba iyadda oo ay ku baxday kalshaale arimaha sare ku xusani ayaa waxa dhacday oo kale in haykalkii dawladnimo ee Gobolka Sool gabi ahaanba loo lumiyey xalinta Kalshaale, nasiib darada dhacdayna waxay tahay markii Masuuliyadii iyo Waajibaadkii Qaran ee Madaxweyne lahaa gabi ahaanba lagu wareejiyey shakhsi Wasiir ah oo lamid ah Wasiirada kale ee Xukuumada ka tirsan, Gobolka Sool waxaa gabi ahaanba lagu wareejiyey Mudane Axmed Cabdi Xaabsade , sidaynu la socono waxa uu magacaabid iyo shaqo ka (joojinba)cayrinba ku sameeyey dhamaan Masuuliyiintii Gobolka Sool, Mudane Xaabsade waxa uu isaga oo aan u lahayn awood dastuuri ah Magacaabay: Badhasaabka Gobolka, Taliyaha Qaybta ee Poliska, Taliya Saldhiga, Taliyaha Sirdoonka, Gudoomiyaha Maxkamada ee Gobolka, isaga oo xilkii ka qaaday dhamaanba Masuuliyiintii hore u haysay xilalka, Taasi oo meesha ka saartay nidaamkii Dawladnimo ee awooda magacaabista oo ay sharciyan u lahaayeen masuuliyiin kala duwani.  tani waxay magac xumo ku tahay haykalkii dawladnimo ee qaranka ,  waxay jabisay Dastuurkii Qaranka, waxay Nusqaan ku tahay Hogaamintii Madaxweyne Silaanyo. Waxaana ka dhalan karo  kala fogaanshiyo bulshad Gobolka Sool, iyo Qabyaalad Beelaysan oo ka dhex-dilaacda Gobolka Sool, ha uguna horeysa ta dhawaan ka dhacday Degmada Taleex ee dilka iyo afduubka sababtay sumcad xumona u soo hoysay Qarankan Somaliland, waxaana iman karta maalin ay Somaliland Farta dhexda ka qaniinto , waa maalinta uu Xaabsade oo aanu war inagu seeganayn ficiladisii oo  uu Madaxweyne Siilaanyo u idmaday in loo daba fadhiisto Gobolka Sool, uu ku  daro Puntland.

Gabagabadii,  Maadamaa arimahaa aynu kor kusoo xusnay ayna samayn Maamulkii isaga ka horeeyey oo lagu xaman jirey Maamul Dabacsanaan laakiin  ay hadda  ka suura gashay Madaxweyne Silaanyo waxaan ku talin lahaa in Gobolka Awdal iyo Gabileyna loo   magacaabo Laba  Ruugcadaa oo ka noqda Laba Madaxweyne -yare goboleed Idman oo iyaguna dhamaystira  shaqaaqada Ceelbardaale oo sidii aan horeba u sheegay ay wali u fadhido qaybtii Madaxtooyada Somaliland ku xidhnayd.

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Political Analyst

Hargeysa, Somaliland