Hayb-sooca Waxbarashada Dawliga ah iyo Hogaan Xumada W/Waxbarashada

Tan iyo Markay Xukunka  la wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadam(Siilanyo) Talada Dalka waxaa Dhegaheena ka Batay Faan, Alalas, Mashxarad iyo Durbaano ay Xukuumadu waday oo ay ugu Tookhaysay Dadkeeda in ay Waxbadan ka Qabatay Waxbarashada Dalka, ha ugu Badnaato erayada ay ku cel-celin Jirtay in ay Bilaash ka dhigtay Waxbarashadda H/Dhexe ee Dalka Guud ahaan.

Hadaba Waxay Su’aali ka joogtaa Halkee ku Danbeeyey  Faankaas Habeen iyo Maalin aynu Dhegeysanaynay, Maxayse soo kordhisey Waxbarashadii Bilaashka Ahayd ee Xukumadu ku Heesi Jirtay?

Waxaa iska Cad oo aan Daah ka sarnayn Dhamaan Bulsho Weynta S/land in Barnaamijkaasi Fashilmay sababo Badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Iyada oo anay xukumadu ka baran degin Qaabka Bilaash looga dhigaayo Waxbarashada Dugsiyadda H/dhexe oo ay ahayd arin laab la kac iyo Caadifad ku jirtay oo anay ku dhisnayn Aqoon, Hubsiimo iyo Cilmi Baadhis Laga Sameeyey Habka looga Guurayey Wixii Hore u jiray(Bixintii Lacagta ee Waalidka),  looguna Guuraayo Habkan Cusub ee loo Mamulaayo Musharka iyo Gunooyinka Macalimiinta(Bixinta Dawladda lacagtaas).
  2. Iyada oo Mushaharka iyo Gunadooyinka Macalimiinta ee ay Dawladu la wareegtay aanay Noqonin wax ku Filan Baahiyihii Aas-aasiga ahaa ee Macalimintii Dhigaayey Dugsiyadda taasna ay Sababtay Hubsiimo la’aantii Xukumaddu.
  3. Iyada oo ay meesha ka baxeen Tiro Macalimiin ah oo wax ka dhigi jiray Dugsiyada Dawlada iyaga oo aan ku jirin Shaqaalaha Wasaarada(civil servant Payrol ), Mushaharna ka Qaadan Dawlada ee ka heli jiray Mushaharka Lacagta Waalidku Bixiyo, taas oo Sababtay Tirada Macalimiintii Dugsiyadda H/Dhexe oo hoos u dhacday.
  4. Macalinka oo aan Wakhtigii uu Ardayda siin jiray Markii hore aan siin, sababtuna tahay in uu Meelahaas kale wax ka soo maacuudiyo si uu Bahiyaha Qoyskiisa u Daboolo, taas oo ay Macalimintu ugu yeedhan ku tuurasho, macno ahaana ay uga jedaan wakhti xadid, oo wakhtigii uu Ardaydan siin lahaa meel kale ku buuxiyo.

Hadaba Arrintani waxay ku reebtay Guud Ahaan Waxbarashadii Dawliga Ahayd Dhibaatooyin Ragaadiyey oo ay kaga Dheeraysay Waxbarashadii Gaarka loo lahaa, taas oo tilmaan Cad u ah in ay Wasaaridii Waxbarashadu ku fashilantay Hawshii ay u Haysay Qankan Xal iyo Maarayna u ladahay Arintan.

Waxyaabaha Aadka iga yaabiyey iguna kalifay in aan Qoro Maqaalkan uguna iftiimiyo Umadda Reer S/land dhabar jab weyna ku keenaaya Hab-sami u socodkii Waxbarashada Guud ahaan ta Dawliga ah iyo Ta gaarka ahba  ee ay ku kacday wasaaradu Waxaa ka mid ah:

  1. In la kala soocay Ardaydii isku ladka ahaa ee hal mar wada Dhamaystay waxbarashada(Qalin Jabiyey) , iyada oo loo kala saaray Kuwa Dawladda iyo Kuwa Gaarka ah, Sababtuna tahay markaan u kuur galay in ardaydii ka Qali jabisay Waxbarashada Dawliga ah ay aad uga tayo hooseeyeen Kuwii Gaarka loo lahaa, taasina ay keentay in Si gaar ah looga soocay Qayrkood iyada oo loo samaynaayo Kooto Dhrigelineed si ay uga muuqdaan Darajooyinka hore ee anay shaqaysan.
  2. Waxay arintani niyad jab iyo Hiigsi xumo ku keentay ardaydii ka soo jeeday Qoysaska Danyarta ah oo intooda Badani wax ka baranaayey Dugsiyada Dawliga ah, siyaasad Xumada Wasaaradda Waxbarashaduna Gayensiisay in la Haybsooco.
  3. Waxa kale oo Tartanka bilaa xadka ah(unlimited Competition) ee dhexyaal Dugsiyada Gaarka ah(pravite schools) uu sababay in ay ka hor-maraan kii Dawliga ahaa una kala dheereyaan oo Iibsadaan Ardayga ay arkaan in uu Iskuulkooda Magac u soo hoynaayo, halkaana lagaga kaxaysto iskuulkii uu ka tirsanaa ee Dawliga ahaa cid Xakamaynaysana anay jirin.

Guntii iyo gebo-gebadii waxaan u soo jeedinayaa W/waxbarashada S/land

  1. In ay ka Hawl Gasho Sidii ay wax uga Qaban Lahayd Dhaliilaha Tirada beelay iyo Siyaasadeeda Faashilka ah ee ay hada ku hogaaminayso Waxbarashadii Dalka.
  2. In ay Joojiso siyaasadan Hayb sooca Waxbarsho eek u cusub Bahda waxbarshada S/land isla markaana raadiso siyaasad tan ka gedisay oo ardayda dhigta iskuulada dowliga ah ku diiri geliso
  3. In ay la timaado siyaasad cad oo lagu soo noolaynaayo waxbarashadii skuulada dawliga ah
  4. In ay xakamayso skuulada gaarka looleeyahay la isuna soo dabaalo Iskuulada Dawliga ah iyo kuwa Gaarka loo leeyahay si wax barashada dalku isula jaan-qaado.
  5. In ay la timaado Siyaasad ay ku wada maamusho Iskuulada Dawliga ah iyo kuwa Gaarka ah si aanay meesha uga bixin Iskulada Dawladu

 

By.Garyaqaan Mohamoud Ali Abokor

E-mail:-mxmabokor@gmail.com

Mob:-4441924