Hay’adda WFP Oo Yareynaysa Cuntadii Ay Siin Jirtay Qaxoontiga Ku Jira Xeryaha Dhadhaab Iyo Kakuma

Nairobi, (SLpost)- Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay dhinto cuntooyinka ay siiso nus malyuun qof, oo u badan qaxoontiga Soomaalida iyo dadka kasoo qaxay Suudaanta Koonfureed ee ku nool xaryaha qaxoontiga ee Kenya.Xeryaha qaxoontiga

Wakaaladda Reuters ayaa qortay in WFP ay sheegtay in lacagihii ay ka heli jirtay qaadhaan-bixiyeyaasha oo hoos u dhacay darteed ay sabab u tahay inay joojiso raashinkaasi.

WFP waxay sheegtay in laga bilaabo maalinta Isniinta ah ee soo socota saddex meelood meel ay goynAyso xadiga raashinkii ay siin jirtay qaxoontiga ku nool xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Hay’adda WFP waxayna intaas ku dartay in hoos u dhigista cuntadu ay sii socon doonto ilaa iyo bisha September ee sannadkan haddii aan la helin, kharashka ay hay’addu u baahan tahay inay gargaarkaasi ku sii wado.

Hay’addu waxay sheegtay inay si deg-deg ah ugu baahan tahay $12.4 Malyuun oo doollar si looga fogaado yaraanta dhinaca cuntada ah oo soo wajaha qaxootiga bilaha August and September.

Somalilandpost.net