Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Oo Diiwaangelinta ka bilowday Gobolka Saaxil Iyo Guddoomiye Sharmarke Oo Ka Warbixiyey

Berbera (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa si habsami ah 4-tii maalmood ee u dambeeyey uga wada Deegaanadda kala duwan ee shaqaalaha dawladdu ka hawlgalaan hawlgalkoodii ay dalka ka wadeen ee madaxtaabashadda iyo diwaangelinta shaqaalaha dawladda lagu sugaayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal kooban oo uu kaga warbixiyey halka ay marayso diwaangelinta shaqaalaha Dawladda Somaliland oo todobaadkan u dambeeyey si habsami ah uga socda Deegaanadda Gobolka Saaxil oo ay ka bilaabeen, waxa uu sheegay inay hawlgalkoodu si habsami iyo xawli ah uga wadaan Magaalo madaxda Berbera iyo Deegaano kale oo hoos yimaada isla markaana shaqaalaha Somaliland gaar ahaan kuwa dawladdu ay ku diirsadeen waaga cusub ee mashruucan dawladdu ku tayeynayso.

2Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraalka uu kaga xog waramay hawlgalka Tirinta shaqaalaha Dawladda Somaliland lagu sugaayo ee ay dalka ka wadaan iyo gobolka Saaxil oo ay hada ku jiraan waxa uu ku yidhi  qoraalkiisa.

– Shaqaalaha ku suggan Deegamada Sheekh iyo Abdaal ayaa maanta iyo shalay si wanaagsan loo diiwangeliyey waxaana loo sii durkayaa deegaamada kale ee shaqaalaha dawladdu ku suggan yihiin.

– Sidoo kale waxay ay si habsami ah Saddexdii casho ee la soo dhaafay uga socotay caasimada gobolka Saaxil ee Berbera.

– Shaqaalaha dawladdu waxa ay si wanaagsan u dareemeen in hogol u curatay oo caawintooda loo socdo balse aan caydhintooda loo socon waxaanay bixinayaana xog waafi ah iyo xaal warran dhamaystiran.

– Waxa ay quus u ahaatay ma-joogihii jiif oo jaq ku tallo-jiray waxaanay rejo u diyaar tahay diyaarsanaha dalka in uu u shaqeeyo u dabran.