Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Kormeer Madax-taabasho ah ka Bilawday Qaar ka mid ah Wasaaraddaha

 

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Hayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Prof. Maxamed Mixille Boqore ayaa  maanta soo kormeeray 9 wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawladda, kuwaasi oo uu u dhabo-galay hanaanka uu uga socdo tiro-koob madax-taabasho ah ay ka bilaabeen wasaaradahaas.

Maxamed Mixille Boqore oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabeen Tiro koob madax taabasho ah  oo ay ku hubinayaan wasaaradaha iyo ha’yadaha dawladda.

“Ha’yadda shaqaalaha dawladdu maanta waxa ay bilowday shaqadii tiro-koobka  madax taabashada annagoo ka duulayna fulinaynana wareegtii uu soo saaray madaxweynuhu ee ahayd in la sameeyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayaa Ha’yadda shaqaaluhu waxay bilowday qorshahan oo aanu ka bilownay  9 wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Deegaanka iyo  horumarinta reer miyiga, Xanaanada Xoolaha,  Dhallinyarrada iyo Ciyaaraha,  Qorshaynta Qaranka,  Cadaaladda,  Warshadaha, Diinta iyo Aw-qaafta,  Dib u dejinta iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaaluhu.

Prof. Maxamed Mixille Boqorre waxa uu sheegay inay doonayaan inay sagaalkaas wasaaradood ku dhammeeyaan muddo saddex maalmood ah. “Qorshahayagu waxa weeye in sagaalka wasaaradood ku dhammayno 3 maalmood, haddana 10  kale ku xigsiino oo aanu dhammayno shaqaalaha jooga xarumaha wasaaradaha ee magaaladda Hareysa, ka dibna marka aanu  kuwa Hargeysa dhammayno ayaan u baxaynaa gobollada,Degmooyin iyo  meel kasta oo uu joogo qof shaqaale dawladeed ahiba,”ayuu intaas ku daray Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaaluhu.

Maxamed Mixille Boqore waxa uu tilmaamay in dib u habaytan shaqaalaha ee ay samaynayaan ay ku wajahan tahay  sidii ay u heli lahaayeen tiro-koob sugan  oo  shaqaalaha dawladda waxaana uu yidhi  “Waxa uga gol leenahay si aan u helno tiradda   shaqaalaha dawladda oo sugan  si aan u xalino oo aanu aragno ciddii shaqadda  ka maqan, shaqaalihii lacagta uun iska qaata, waxa buka wixii dhintay ee aan laga saarin Bayroolka (Payrol)-ka. Markaa bayroolka ayaan ka saari doonaa qofka aanu wayno waana eryi doonaa wixii dhintayna bayroolka ayaanu ka jaraynaa.”

Markaa ka dib ayaan warbixin soo saari doonaa mudada aanu ugu tallo-galnay waxa weeye illaa bisha March ee sannadka soo socda inay noo dhammaato   tiro-koobka madax taabashada shaqaalaha dawladda. shaqaale badan oo bilaa imitxaan ah  ayaa jira,  qaarna imtixaan ayay ku fadhiyaan marka wixii bilaa imtixaana,  imtixaan ayaanu  ka  qaadaynaa qorshaha aanu samaysanay waa sidaas,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladdu.

Tobanka Wasaaradood ee Laga fulin doono Wajiga labaad ee Tiro-koobka madax-taabashadda ahi waa sidan:-

1-Wasaaradda macdanta iyo Tamarta

2-Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda

3-Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha

4-Wasaaradda Biyaha.

5-Wasaaradda Arrimaha dibadda

6-Wasaaradda Arrimaha Gudaha

7-Wasaaradda madaxtooyadda

8-Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta

9-Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda

10- Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland