Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR oo Beesha Caalamka ka dalbatay ka hortaga halista Tahriibka

New York (SLpost)- Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR, ayaa u soo jeedisay beesha caalamka inay diyaariyaan qorshe degdeg ah oo lagaga hortago tahriibka xilli weli la raadinayo 44 qof oo ka mid ah tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray oo saarnaa Dooni todobaadkan ku degtay xeebaha dalka Yemen.

boatAfhayeen u hadlay hay’adda Qaxootiga Aduunka, Adrian Edwards, ayaa sheegay inuu ka murugoonayo shilka dooni ku degtay xeebaha Yemen oo siday tahriibayaal gaadhaya 77 qof oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan.
“33 qof waa la badbaadiyey, laakiin weli 44 qof ayaa la baadigoobayaa, kuwaasoo la filayo inay dhinteen,” ayuu Mr. Edwards u sheegay weriyeyaasha  Geneva, isaga oo intaas ku daray inay tahay dhacdadii ugu foosha xumayd sannadkan.

Sida laga soo xigtay UNHCR, safarka doonta ayaa ka soo bilaabmay magaalada Boosaaso 7-kii bishan, balse waxa la kulmay dabaylo xooggan iyaga oo ku dhow xeebta gobolka Shabwa ee dalka  Yemen,” ayuu yidhi Mr. Edwards.

 “Nin da’diisu ahayd 45 jir oo ka yimi Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in laba caruur uu dhalay maqan yihiin, kuna badbaadin kari waayey habeenimadii ,” ayuu ydhi.

Mr Edwards waxa uu sheegay in gabadh kaliya ka badbaadday haweenkii saarnaa doontaas, taas oo iyaduna shilkaas ku weyday inan ay dhashay oo la socotay.

SOMALILANDPOST.NET