Hay’adda MSF Oo Bilaabaysa Badbaadinta Tahriibayaasha Badda Mediterranean-ka Iyo Britain Oo Qaadacay

imagesLondon, (SLP)- Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xudduudkaa Lahayn ee MSF, ayaa lagu wadaa inay daaha ka rogto hAwlgal baadi goob iyo badbaadin isugu jira oo lagu samato-bixiyo muhaajiriinta ku safra badda Mediterranean-ka.

MSF ayaa diiday wararka ay sheegtay dAwladda Britain ee ah in adeegan muranka dhaliyay uu dhiirigalinayo inay bataan maraakiibta dadka soo tahriibisaa.

Markab wada gargaar oo uu dhererkiisu yahay 40 mitir ayaa lagu qalabayn doonaa doomaha dheereeya iyo diyaaradaha loogu talagalay dabagalka.

MSF ayaa rajaynaysa in inta badan muhaajirinta ay badbaadiso la gayn doono xeebaha waddanka Talyaaniga.

Markabkan ayaa waxa uu bedeli doonaa markabka the Mare Nostrum.

Hawlgalka baadigoobka iyo badbaadinta ee ciidamadda badda ee Talyaaniga ayaa la joojiyay, kaddib markii xubno ka mid ah Midawga Yurub ay sheegeen inaanay awooddin inay maalgeliyaan mashruucaasi.

Sannadkii hore qiyaastii 3,400 oo muhaajiriin ah oo intooda badan ka tagey Afrika, ayaa ku dhintay badda xilli ay isku dayayeen inay tahriib ku galaan Yurub.

Hawlaglkan yar ee ay wado hay’adda MSF ayaa waxa uu socon doonaa inta u dhaxeysa bisha May ilaa bisha October, markaasoo la filayo in kumanaan qof ay naftooda halis u galiyaan safar ay hore dad badani ugu dhinteen.

 

Somaliland

Wararka Caalamka