Hay’adda Dhawrista Tayada Oo Gubtay Dawooyin Dhacay Oo Madaarka Lagu Qabtay

Hargeysa, (SLpost)-  Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka, ayaa gubtay shalay 19 tan oo daawooyin  dhacday ah, taasoo dhawaan ay ku qabteen madaarka magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdillaahi (Bikalo) oo warbaahinta kula hadlay goobta daawadan lagu gubay oo ah dhaamka qashinka lagu gubo oo duleedka magaalada Hargeysa ah, ayaa tilmaamay in qayb ka mid ah daawadan dhicitaankeedii wax yar ka hadhsana, isagoo digniin u diray ganacsatada dalka soo gelisa cuntooyinka iyo daawooyinka dhaca.

“Waxa aan maanta halkan ku gubaynaa daawo waqtiga isticmaalkeeda uu wax yari ka hadhay. Daawooyinkan waxay dhicidoodu ku beegnayd August iyo September, waxaana lagu qabtay madaarka Hargeysa, waana ilaa 19 tan oo noociyo kala duwan ah.

Hay’adda Dhawrista Tayadu waxay hawlgalesiay shaqaale gobollada iyo degmooyinka dalka ka hawlgala, gaar ahaan kastamada iyo madaarada oo baadha wixii alaab ka soo dega dekedaha dalka, hadday tahay bagaash iyo haddii ay tahay daawaba, sababtoo ah waxa shardi ah  sida xeer ku dhigaayo in waqtiga dhicitaanka ay ka hadhsan tahay ugu yaraan muddo lix bolood ah , aad iyo aad baanay shaqaalaha hay’addu isaga xil-saraan,” ayuu yidhi Md. Cali Bikalo.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadu waxa uu sheegay in daawooyinka dalka soo gala ay keenaan 22 shirkadood iyo hay’adaha caalaiga ah oo mararka qaar keena daawo muwaacimo ah, sidaa darteedna ay wada shaqayn leeyihiin in dalka la soo geliyo daawooyin tayo fiican leh, waxaannu yidhi; “Shirkadaha daawooyinka keena waxay leeyihiin urur ay ku bahoobeen oo leh maamul,w axaanay ka diiwaangashan yihiin Wasaarada Caafimaadka, annaguna waxaannu leenahay nidaam wadashaqayneed sida waafaqsan xeerka dhawrista tayada, waxa ka mid nidaamka aannu ku wada shaqayno; shirkaduhu markay damacdo in ay daawo soo dejiso ugu horrayn inta aanay daawada keenin waxa looga baahan yahay inay xafiiska Hay’adda Dhawrista  tayada keenaan shahaadada sharciga ah ee ka ganacsiga daawada, kadiban waxa alaabtooda loo gudbiya baadhis ay sameeyaan khubarro aqoon dheer u leh daawooyinka, waana la hubiya tayada daawadaas, kadibna waxa la siiyaa waraaq caddayn ah, taasnay la tagaan waaxda cashuurta.”

Md. Bikalo waxa uu ballanqaaday in aanay dekedaha iyo madaarada dalka ka soo geli karind daawo waqtigeedi dhaw yahay amma dhacday. “Waxaan aaminsanahay inaanay maanta madaarada yo dekedahaba ka soo gali karin daawo waqtigeedii dhawdahay amma dhacday, sababtoo ah hay’addu dedaalkeeda way sii laban-laabtay, waxaanay maraysa halkii ugu fiicnayd, dhawaana waxaannu rejaynaynaa inuu dalka yimaado laabkii baadhista, kaasoo na caawin doona.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Hay’adda Tayada Md. Cali Bikalo waxa uu xusay in sharciga la hor keeni doono qofka caddaysta inuu dalka sifo sharci darro ah ku soo geliyo waxyaabo aan tayo lahayn, waxaannu yidhi; “Qofka tuuganimo caadaysta inuu dalka sifo khaldan ku soo galiyo alaab, waxaannu u sheegaynaa inuu dhaqan galay xeerkii hay’addu, madaxweynuhuna saxeexay, waxaana la marin doona tallaabada sharci iyo ciqaabta uu mutaystay ee xeerka ku taala.”

Dhinaca kale, Guddoomiye Bikalo waxa uu warbaahinta kula dardaarmay in ay xuquuqda muwaadiniinta iyo masuuliyiinta ilaaliyaan, isagoo daba socday warar warbaahinta qaar ka qortay; waxaannu yidhi; “Waxa aan warbaahinta Somaliland ta madaxbannaan iyo ta dawladaba ugu baaqaya in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta, masuuliyad weyna iska saraan waxay baahinayaan, wixii dhaliil ah ee jirta waannu qaadanaynaa ee toosin ah.”