Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka Adduunka (IOM) oo Shacbiga Somaliland uga digtay Been-abuur magaceeda loogu adeegsanayo Barnaamij Jiif-oo-Jaq ah

Hargeysa (SLpost)-Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka (IOM) oo dadweynaha Soomaalida ah uga digaysa been abuur magaceeda laga sameeyey ayaa farriin kooban oo xafiiskeeda magaalada Nairobi ka soo baxay lagu sheegay inaanu jirin wax bakhtiyaa-nasiib ah oo ay hay’addani ka qayb-qaadato ama ay bixiso.

IOM oo farriintan soo gaadhsiisay warbaahinta ay shabakaddan SOMALILANDPOST.NET  ka mid tahay, waxa ay fariinteeda ay ku socodsiinayso Shacbiga reer Somaliland uga digaysa isla markaana ku beenisay been-abuur magaceeda ay ku adeegsadeen koox Budhcad ah oo ku shaqaysta farsamo ay dadka ku dhacaan.

Fariinta ka soo baxday xafiiska Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM (International organization Migration) ayaa u dhignaa sidan:

“IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay’ada IOM. Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga helaan dadka.

Shaqsiyaadkan sameynaya been abuurashada, waxay u sheegayaan dadka biri-magaydada ah in ay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiib loogu qaadi doono Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada ama ustareeliya

Fadlan Akhristo, ogow dadkani telefoonada dadka u soo diraya in ay yihiin Beenaaleyaal.

IOM malaha, kamana shaqayso wax kasta oo ku saabsan bakhtiyaa nasiib, waxayna halkan idiinka cadeynaysaa in ay bari ka tahay waxyaabaha la midka ah arintan.

Hadii aad heshid telefoonada noocan ah, fadlan ha rumeysan, hana u jawaabin, hana u hogaansaminin codsi kaaga yimaadda qof doonaya in aad lacag sidaas ku siiso.

Fadlan noo soo tabi hadii aad telefonada noocan oo kale ah hesho iyo wixii akhbaar ah ee la xidhiidha arintan adigoo fariintaada ku soo diraya Ciwaanka : iomnairobi@iom.int

Mahadsanidin”