Hay’adda Caalamiga ah ee Forum SYD oo Xafiis ka Furatay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-Hay’adda caalamiga ah ee Forum SYD ayaa xafiis cusub ka furatay magaalada Hargeysa. Munaasibaddii furitaanka xafladdaasi oo si quxuxbadan loo soo agaasimay waxay ka dhacday xarunta cusub ee hay’addu ku leedahay degmada I.Koodbuur ee Hargeysa, saraakiisha xafiiskaasi ugu saraysa iyo masuuliyiin kaladuwan oo ka socotay xukuumadda Somaliland iyo hay’addha maxaliga ah ayaa ka qaybgalay xafladdaasi waxaanay xubnihii ka hadlay halkaa ka soo jeediyeen hadalo kaladuwan iyaga oo siyaabo isku mid ah u soo dhaweeyey furitnaanka xafiiska cusub ee hay’adda Forum SYD .

“farxadbay noo tahay inaannu Hargeysa xafiiskii Soomaalida iyo Geeska Africaba laga maamulilahaa ka furanno” sidaa waxaa yidhi Maxamed Xasan oo ku hadlayey magaca agaasime dalleedka guud ee hay’addaasi “aniga oo Somaliya ka tagay aniga oo 3 sano jir ah maantana aan hortaaggnahay intaas oo dhan oo umaddaydii Somaliyeed ah oo tolkay ah oo walaalahay ah farxad waynbay ii tahay “sidaa waxaa yidhi markale Gudoomiyaha xafiiska ugu sareeya Soomalida ee SYD.

Rooda Jaamac Cilmi oo ah wakiilka Somaliland ee dalka Sweden oo la sheegay inay qayb-weyn ku lahayd inay hay’addaasi u suurto gasho inay xafiiskan Hareysa ka furato ayaa sheegtay inay arrintani Somaliland u tahay fursad balaadhan waa haddiibay tidhi ay Somaliland soo dhaweeyaan hay’adda SYD. “hadba intaad soo dhaweysaan hay’adda SYD ayey ku xidhantahay xidhiidhka idinka dhaxayndoona idinka iyo dalka Sweden” ayey tidhi Mrs Rooda Jaamac.

 

Wasiirku xigeenka arrimaha dibadda Axmed Kayse oo kamid ahaa dadkii halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay wasaaradda arrimaha dibaddu qaybweyn ku lahayd suurto galnimada inay SYD xafiiskann ka furato Hargeysa “haddii ay Rooda gacan weyn ku lahayd inay SYD xafiiskan furato dee sida aad la socotaan Rooda waa wakiilkeenna Sweden waxaanay hoos timaada wasaaradda arrimaha dibadda wixii ay qabatayna waa wax ay wasaaraddu qabatay” ayuu yidhi Mr Kayse.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr Cabdi Awdaahir Cali oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay  inuu ka wasiir ahaan dhiniciisa ka soo dhaweynayo SYD isaga oo ku hadlayey magaca xukuumadda “aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland waxaanno si ballaadhanu soo dhaweynaynaa inay SYD xafiis ka furato Hargeysa waanan la shaqayndoonnaa” ayuu yidhi Dr Cabdi Awdaahir.

Saraakiisha sarsare ee xafiiska hay’addaasi ee dalka Sweden oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay  inay diyaar u yihiin inay Goballada Somaliland ka shaqeeyaan isla markaana ka hirgelindoonaan mashaariic kaladuwan oo arrimaha bulshada la xidhiidha “farxaddbay noo tahay inaannu Somaliland ka dhiganno xafiiskayaga guud ee geeska Africa laga maamulidoono” sidaa waxaa yidhi  nin oday ah oo ku hadlayey magaca guud ee SYD.

Mr Axmed Xasan oo ka mid ah saraakiisha urur maxalli ah oo SOYDA la yidhaado kana mid ah NGO yada ku xidhan SYD oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay horeyna ula shaqaynjireen haddana ay la shaqayn doonaan SYD “annagu horeyba wada shaqayn baannu u lahayn haddana waanu la shaqayndoonnaa SYD ” ayuu yidhi Mr Yuusuf.

Waxaa iyana  halkaa ka hadashay haweenayda xoghaynta ka ah hay’adda SYD waxaanay sheegtay inay xoogga saaridoonaan xoojinta arrimaha kobcinta dhalinyarada, arrimaha dimoqoraadiyadda, xuquuqul insaanka iyo sinnaanta waxa loogu yeedho labka iyo dhedigga “waxaannu xoogga saari doonnaa arrimaha dhalinyarada iyo xuquuqda aadamaha iyo sinaanta lamaanaha”ayey tidhi Gabadhaasi.

Mr Farax oo ku hadlaysay afka Dalladda Nagaad ee ay wada shaqaynta leeyihiin SYD ayaa sheegtay inay ka dumar ahaan soo dhaweynayaan SYD inay xafiis ka furato Hargeysa “annagu ka Nagaad ahaan xidhiidh iyo wada shaqayn baannu la leenahay SYD waanan soo dhaweynaynaa inay dalka soo degto maadaama ay ka shaqayso arrimaha dumarka iyo caruurta annaguna aannu sidookale ka shaqyanu arrimaha caruurta iyo dumarka” ayey tidhi Mrs Farax.

ugu dambeyntiina wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr Cabdi Awdaahir ayaa xadhigga ka jaray xarunta cusub ee hay’adda SYD ee dalka Sweden taas oo la sheegay inay horey dalka uga soo shaqaynaysay ilaa iyo 1994 kii balse aan xafiis ku lahayn inta hadda ka horreysa.