Hay’adda Amnesty International oo Somaliland ugu baaqday in shuruud la’aan lagu sii-daayo Boqor Cismaan Buur-madow

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Amnesty International, ayaa ugu baaqday Xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan si shuruud la’aan ah u sii daayaan Boqor Cismaan (Buur-madow).

Amnesty International oo soo saartay qoraal dalabkan la xidhiidha, laguna socodsiinayay dawladda Somaliland, isla markaana warbaahinta loogu talogalay, ayaa sidoo kale waxay ku dalbadeen in guud ahaanba kiiska loo haystay Buur-madow meesha laga saaro iyo xukunkii maxkamadeed ee ku dhacay 08 July, kaasoo ahaa hal sano oo xadhig ah. “Amnesty International waxay qoraal hore u dirtay Xukuumadda Somaliland, si ay uggu baaqaan sii-dayntiisa, balse ilaa immika wax jawaab ah kamaanaan helin iyaga (masuuliyiinta dawladda). Amnesty International waxay hoosta kaga xarriiqday waraaqdooddaas in la xidhay, laguna eedeeyay dembiyo culus keliya ka dib markii uu si nabadgelyo ah u isticmaalay xuquuqdiisa xoriyadeed ee hadalka, taasoo uu u damaanad-qaadayo qoddobka 32 ee dastuurka Somaliland iyo qoddobka 19 ee Qaraarka Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka.” Sidaasi waxay ka mid ahayd qoraalkan dambe ee ay soo saartay Amnesty International.

Warbixintan Hay’adda Amnesty International ay soo saartay waxay intaa ku dartay, “09 July oo ahayd maalin keliya ka dib maalintii xukunku dhacay Boqor Osman Mohamoud Buurmadow waxa laga wareejiyay Xabsiga Hargeysa, waxaana loo bedelay Xabsiga Mandheera oo 70km ka baxsan Hargeysa, halkaasoo xaaladuhu la sheegay inay xun yihiin. Tani waxay sare u qaadaysaa cabsiyihii laga qabay caafimaadkiisa, kuwaasoo ay Amnesty International mar horeba soo hor-dhigtay dareenka masuuliyiinta Somaliland. Boqor Osman Mohamoud Buurmadow waxa bilo ka hor ka dhamaaday dawooyin looga qoray dalka UAE oo ku saabsan Dhiig-kar sare iyo tiro xanuuno kale ah. Sidaa daraadeed, waa in sida ugu dhakhsaha badan loo sii-daayaa, si uu markaa u raadsado daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay. Ilaa inta uu ku sii jiro xabsiga, masuuliyiinta Somaliland waxa dushooda saaran waajibaadka ah inay hubiyaan inuu helayo daryeel caafimaad oo ku haboon.”

Amnesty International waxay qoraalkeedan ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin eedaymaha dembiyada culus ee uu Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) ku galay isaga oo isticmaalayay xuquuqdiisa xoriyatul-qawlka. Isla markaana markii hore eedaymihii lagu soo oogay ay ku jireen hawlo ka soo horjeeda qaranka iyo barabogaande ka dhan ah qaranka, balse 08 July uu xaakimku meesha ka saaray eedaymahaas, bedelkoodana uu u xukumay oo dembiile uu ku noqday “Cayda masuul dawladeed.”

Warbixintani waxay kaloo sheegtay in qawaaniinta iyo shuruucda la xidhiidha xuquuqda xoriyatul-qawlku ay caddaan yihiin, lana cabiri karo afkaaraha siyaasadeed. Amnesty waxay intaa ku dartay inay jireen talaabooyin lag siyaasadaynayay kiiska Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow). “Xeer-ilaalintu waxay ambiil ka qaadatay xukunka lagu riday Buur-madow 08 July, waxaanay ka hortagayaan inuu xukunkiisa xabsiga ah ku iibsado lacag ganaax ah oo sidaa lagu sii-daayo, taasoo uu u ogolaanayo qoddobka 109 ee Penal Code ee maxaabiista lagu xukumo mudo sannad ah ama ka yar.”

Amnesty International waxa kale oo ay qoraalkeedan ku sheegtay in mudadii uu socday kiiskani ay farogelino ku sameeyeen masuuliyiinta dawladu iyo isku-dayo ka dhan ah looyarrada metelayay Boqor Buur-madow.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net