Hay’adaha Warbaahinta Dalka Oo Cambaareeyay Guddi Anshax Oo Uu Guddoomiyaha SOLJA Magacaabay

Hargeysa (SLpost)- Hay’adaha Warbaahinta Dalka, ayaa cambaareeyey guddi Anshax-marineed oo Ururka Suxufiyiinta Somaliland u magacaabay inay darsaan khaladaadka Suxufiyiinta warbaahinta dalka.

Warbaahinta dalka ee ka biyo-diiday guddida la magacaabay, ayaa ku dhaliilay Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA inaan lagala tashan go’aankan maadaama ururku u adeego warbaahinta dalka.

NewsQoraal Kooban oo Qaar ka mid ah Hay’adaha ugu miisaanka culus Warbaahinta dalku ka soo saareen magacaabista guddida, ayaa u dhignaa sidan: “Anaga oo ah Hayadaha Warbaahinta, waxa aanu nahay warbaahin kala duwan oo u adeegta bulshada reer Somaliland iyo kuwa daafaha dunida ku nool,waxaanu u hogaansanahay qawaaniinta caalamiga ah iyo xeerarka Somaliland ee haga mihnadda saxaafadda.

Somaliland waxa ka jira ururo  saxaafadeed oo ay ka mid yihiin hayadaha warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gasha,halka qaarkoodna aanay ku jirin ururadaasi.

Ururka suxufiyiinta Solja waxa uu ka mid yahay ururadaasi,mudadii uu jirayna himiladdi laga filayay ee dhibaatada ku haysay suxufiyiinta iyo hay’adda saxaafadda midna sidii loo baahnaa ugamay hawl galin.

Sidaasi daraadeed ma jiro urur kaliya ama koox kaliya oo soo saaro karta go’aamo aan laga tashan oo dabar ku noqon kara saxaafadda.

Anagoo ka duulayna aragtidaasi waxa aanu umadda iyo xukuumaddaba u sheegaynaa inaanay jirin guddi matalaysa saxaafadda oo laga soo abaabulay meel ka baxsan xayndaabka saxaafadda.

Waxa aanu u aragnaa guddidani Ururks Solja soo saaray inaanay ahayn kuwo meteli kara saxaafadda,isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda dalka,anagoo cambaaraynayna guddigaas ,waxaanu cadaynaynaa inaanay na metelin, Madama oo ay dalka ka Jiraan Ururo Saxafdeed inaanay xaq u lahayn inay talabadani qadaan Urur kaliya, iyadoo aan laga tashan Gudidan.”

Dhanka kale, warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf oo ka soo baxay fadhi ay yeesheen guddida fulinta ee ururka, ayaa u dhignaa sidan: “Kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA taariikhdu markay ahayd 07/03/2013, waxa ay si ballaadhan uga doodeen, una falanqeeyeen abuuritaanka Guddiga Anshaxa ee Saxaafadda oo baahi weyn loo qabo, si Saxaafadda iyo Suxufiyiintu uga badbaadaan, in lagu dhaqo xeerar cusub oo uu ka mid yahay Xeerka nabad sugidda Qaranka oo qodobo ka mid ah lagaga xusay Warbaahinta isla markaana loo helo Guddi Anshax oo dhexdhexaad, kana garsoorta Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha.

Haddaba Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiintu markay falanqeeyeen, kana doodeen arrinta abuuritaanka Guddigaasi, isla markaana dhegeysteen waxgaradka, aqoonyahannada iyo Ururrada bulshada, iyadoo la raacayo Xeerka Ururka Saxafadda Somalialnd SOLJA Qodobkiisa 6aad, Waaxda 5aad waxa ay isla qaateen oo ay go’aamiyeen.

Xubnaha Guddiga Anshaxa iyo la taliye dhinaca sharcigu ah, waxay kala yihiin sidan:
1. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
2. Ismaaciil Cumar Aadan Boos
3. Daahir Maxamuud Xaddi
4. Shugri Xariir Ismaaciil
5. Faysal Keyse Cumar

LA TALIYE SHARCI: Aadan Xaaji Cali

Waxaan ku rajo-weynahay in abuuritaanka Guddigani uu bogsiin doono tabashooyin badan oo u dhaxeeyey had iyo goor Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha, iyadoo ay Guddigani soo saari doonaan shuruucdii garsoor oo waafaqsan Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda ee Lam. 27/2004, iyadoo ay Guddigani yihiin kuwo si madaxbannaani ah u gudan doona hawlahooda.”

SOMALILANDPOST.NET