Hay’ada IMB oo ka Hadashay Xaaladda Badda Soomaaliya iyo Dhalinyarada Budhcad badeedka ah

 

 

Muqdishu(SLpost)-Warbixin ay soo saartay ururka badaha caalamka IMB lagu sheegay in wax weerar budhcad badeednimo ah aanay ka dhicin xeebaha Soomaaliya sanadkan aynu ku guda jirno 2015 ka

“Wax shil ah lagama soo sheegin xeebaha Soomaaliya iyo ganacka Cadmeed sanadkan,iyadoo halkani ahayd xarumihii budhcad badeeda. Horumarkan wanaagsan ayaa waxaa lagu gaadhay dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada badda, in la raacay qorshe wanaagsan oo lagaga hortagayay budhcad badeeda,in la shaqaaleysiiyay ciidamo gaar ah oo ilaaliya maraakiibta iyo dawlada Soomaaliya oo xasilooni abuurtay,”ayaa lagu sheegay warbixinta .

Agaasimaha IMB Pottengal Mukundan ayaa ku baaqay in maraakiibta ay feejignaantooda sii wadaan oo aanay  dabacsanaan ka arkin budhcad badeeda.

Xilliyadii budhcad badeedu ka jirtay xeebaha Soomaaliya waxaa sare u kacay qiimaha lagu kireysto maraakiibta maadaama cabsi xoog leh ka jirtey marinka muhiimka u ahaa isu socodka maraakiibta caalamka, waxayna maraakibta qaarkeed ay ku qasbaysay in ay maraan marin dheer si ay ugaga fogaadaan budhcad badeeda.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto dambiyo  budhcad badeednimo ah ayaa ku xidhan xabsiyo kala duwan oo caalamka ah waxaana haysta dhalinyaradaas dhibaato dhinaca nolosha ah.

Dowlada Hindiya ayaa baahisay  shalay in mid kamid ah budhcad badeed Soomaliyeed oo ku xidhnaa xabsi ku yaal dalka Hindiya uu u dhintey cudurka qaaxada. Dalka Hindiya ayaa waxaa ku xidhan illaa iyo 120 dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto dambi ah budhcad badeednimo.

 

Xigasho: Toosh