Hay’ad Caalami ah oo ku Baaqday in Ruushka Laga Joojiyo Ciyaaraha Fudud

 

Moscow(SLpost)-Hay’ada caalamiga ah ee ka hortaga dawooyinka jidhka xoojiya ayaa ku baaqday in Ruushka laga mamnuuco tartamada ciyaaraha fudud, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in ciyaaryahannada dalkaasi ay dawooyin mamnuuca ah adeegsadeen.

 

Warbixinta ayaa waxa ay daaha ka qaaday waxa ay ugu yeedhay hab ballaadhan oo abaabulan oo ah adeegsiga dawooyinka jidhka xoogga siiya.

 

Sida ay warbixintu sheegaysana, ciyaaryahannada ciyaaraha fudud ee Ruushka ayaa si weyn waxa ay u adeegsadeen been abuur ciyaarihii Olympicada ee London lagu qabtay 2012-kii.

 

Warbixinta ayaa waxa ay ku talinaysaa in shan ka mid ah ciyaaryahannadaasi oo ay ku jirto Mariya Savinova, oo ku guulaysatay 800 ee mitir gabi ahaanba laga mamnuuco ciyaaraha.

 

Halka dhammaan ciyaaryahannada ciyaaraha fudud ee Ruushka ay leedahay warbixintu waa in laga hor istaagaa in mustaqbalka ay ka qeyb qaataan tartamada ciyaaraha, ee uu ka midka yahay tartanka Olympikada adduunka ee 2016-ka.

 

Hasayeeshee baadhayaasha ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in isticmaalka dawooyinka jidhka xoogga siiya aanan la isticmaali lahayn iyadoon dowladdu ogolayn, waxa ayna ku baaqeen in shaqada laga eryo agaasimaha shaybaadhka dawooyinka ee Moscow.

 

Waxaase dhaleecayn loo soo jeediyay guddiga caalamiga ah ee maamulka ciyaaraha fudud, kaasi oo saraakiishiisa ay warbixintu sheegayso in ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan baaddhis la’aan la sheegay in ay jirtay.

 

Baadhitaan dheeraad ah ayaa lagu eegayaa eedaha ah in guddiga caalamiga ah ee maamulka ciyaaraha fudud ee loo soo gaabiyo IAAF aanay ka warqabin wixii dhacayay.

 

Todobaadkii la soo dhaafay gudoomiyihii hore ee IAAF, Lamine Diack, ee u dhashay dalka Senegal, ayaa waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq la xidhiidha laaluusha qaadasho si loo qariyo kiisas ku saabsan dawooyinka jidhka xoogga siiya.