Hay’adda Amnesty oo Eretariya ka dalbatay in la sii-daayo maxaabiis siyaasadeed

London,  (SLpost)-Xukuumada dalka Erretariya ayaa laga dalbaday inay xabsiyada ka sii dayso 11 qof oo saraakiil sar-sare hore u ahaa, kuwaasoo mudo toban sannadood ahayd xidhnaa iyada oo aan la xukumin.

Kooxdan la xabsiyay waxa ku jira Madaxweyne ku xigeenkii hore, laba wasiir oo arrimaha dibadda iska bedelay, waxaana uu xadhigoodu ka dambeeyay markii ay ku baaqeen in isbedel lagu sameeyo nidaamka dalkooda. “Wax xidhiidh ah lamaanaan lahayn ilaa iyo waqtigii la xidhay,” sidaa waxa BBC u sheegay Wasiirkii hore ee Khaarajiga Haile Woldetensae walaalkii.

Masuul u hadlay xukuumadda Erretariya ayaa sheegay in 11-ka maxbuus ay galeen dembiyo khatar ku ah amaanka qaranka Erretariya. Isla markaana Madaxweyne Isaias Afewerki oo u hogaamiyay dalkaas madaxbanaanidiisa sannadkii 1993-kii, ayaan dulqaad u lahayn in la dhaleeceeyo. Dalka Erretariya ayaa la sheegay inaanu ogolayn axsaabta mucaaradka ah, saxaafadda madaxabanaan amaba ururada bulshada.

Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Caalamka ee Amnesty International cilmi-baadhe ka tirsan Claire Beston ayaa sheegay in maxaabiistan oo ay ku jirto haweenayda Aster Fissehatsion ay dhamaantood ahaayeen dagaalyahankii u dabaal-degay xorriyadda, xubnana ka ahaa xisbiga talada dalka gacanta ku haya. “Bishii May 2001, ayay afar qof iyo haweenaydani daabaceen waraaq furan oo ay madaxweynaha ku socodsiiyeen oo ay ugu baaqeen isbedel, wadahadal dimuquraadiyadeed, isku-xukunka cadaaladda IWM.” Sidaana waxa lagu sheegay warbixinta Amnesty.

La-taliye lagu magacaabay Yemane Gebreab oo uu leeyahay Madaxweynaha Erretariya, ayaa diiday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrinta 11-kaa maxbuus. “Hadii ay iyagu ku guulaysan lahaayeen qorshayaashoodii Erretariya maanta may u jirteen sidii waddan madaxbanaan, amaba waxay la mid ahaan lahayd sida Somalia,” la-taliyahaas ayaa sidaa u sheegay BBC, qaybteeda Afrikaanka.

Somalilandpost.net

News Desk

Xasan Kaafi