Hawlgalkii ugu weynaa oo Dawladda Hoose ee Hargeysa Ka Fulisay Suuq-weynaha Waaheen, Jidka wadnaha Magaalada iyo Khasaaraha ka dhashay [DAAWO SAWIRRO]

Hargeysa, 29 February (SLpost)- Hal qof ayaa ku dhintay Mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib Saaka dawlada hoose ee Caasimadu ka bilowday hawl-galkii ugu balaadhnaa ee ay ku Habaynayso Jidka halbawlaha ah ee  Caasimada Hargaysa isla markaana ay ku dumisay sandaqado, iyo miisaska bacadyaalka ah ee lagu iibiyo badeecado kala duwan .

Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ay baneeyeen dhammaan wixii meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa.

Hawl-galkan waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda booliska ku soo weeraray mindiyo ilsa markaana taayiro ku gubay wadada, kuwaasi oo aakhirkiina la sheegay inay Booliska ku rideen rasaasta si ay u kala kaxeeyaan.

Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo Caawa Khadka Telefoonka ugu Waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa tilmaamay in ujeedada hawlgalkani uu la xidhiidhay kor u qaadista bilicda iyo habaynta Wadada halbawlaha ah ee Caasimada Waxaanu Xusay in qorshahoodu yahay in caasimadu ay u ekaato qaab magaallo madax waxa uu Maayarku sheegay in hawlgalkan ay u sameeyeen sidii looga hortagi lahaa wax kastoo wax u dhimaya billicda Caasimada Dalka ee Hargaysa, waxaanu balan qaaday inay jidkaas si rasmi ah u wada dhamayn doonaan.

Injineer Xuseen Maxamud Jiciir mar uu ka hadlayay halka ay ugu talo galeen dadkan ay maanta ka rareen Suuqa Weyn ee Waaheen ayaa tilmaamay inay jiraan bakhaaro waaweyn oo ay Kiraysan karaan , iyadoo inta aan awoodina ay u qorsheeyeen sida uu yidhi goobo kale oo magaalada ah waxaanu intaas ku daray inay sameeyeen oo kale Ilaa Sadex iyo Toban Saribadood oo Magaalada ka baxsan oo dadkani ku ganacsan karaan .

Maayarku waxa uu ugu baaqay dadka leh Meheradaha ku teedsan Wadadaasi inay xil iska saaraan sidii ay wajahada meheradahooda ay  u banayn lahaayeen.

Maayarka Caasimada Injineer Xuseen Maxamud Jiciir oo aanu wax ka waydiinay inay dadkan ku ogaysiiyeen in laga rarayo Jidka hal-bawlaha ah ayaa sheegay inay dhawr jeer ku wargaliyeen sidii ay uga xamaan urursan lahaayeen wadada hareeraheeda, isagoo intaas ku daray in hawl-galkan Saaka ay qaadeen uu ka danbeeyay go’aan ay wada gaadheen gudida heerka qaran ee bilicda caasimada

Intaasi ka dib rasaas ay boolisku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dhalinyaradii rabashadaha sameynayay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen sadex qof oo midi ku dhaawac dhintay cisbitaalka guud kaas oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah, sidaana waxaa galabta noo xaqiijiyay maamulka cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxay maamulka cisbitaalka guud sheegeen inay la tacaalayaan C/Raxmaan Maxamuud Maxamed oo ku dhaawacmay hawl-galkaasi.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa maanta soo dhaweeyay wadada la baneeyay, waxaanay xuseen in cidhiidhigii laga qaaday wadada badhtamaha magaaladda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net