Hawlgalka Tira-koobka Shacbiyadda Urur-siyaasadeedyada oo Guddiga Diiwaangelinta ka fuliyeen Caasimadda

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada Qaranka ayaa Maanta Magaalada Hargaysa ee caasimada dalka ka Sameeyay Hawlgal balaadhan oo Madax taabasho ah kaas oo lagu hubinayo in Ururada Siyaaasada ee Is diiwaangeliyay ay  Lixda Gobol ee Waaweyn ku leeyihiin Kun Qof oo haysta Kaadhka Aqoonsiga.

Xubnaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda ayaa saaka hawlgalkoodan ka sameeyey Xarumaha Dhexe ee urur-siyaasadeedyada Dalka halkaas oo urur kastaaba soo xaadiray dadkii taageerayaashiisa ah.

Waxaa kale oo ay hawl galkan ku soo mareen Xarumaha Urur siyaasadeedyada Udhis, Xaqsoor, Nasiye, NDB, Nuur, Badbaado, Gurmad, Damal, SSCD, Horyaal, Dalsan, Rays waxaanay mid kastoo ka sameeyeen hawlgalkan Madax taabashada ah oo Maanta ka soo dhamaaday Gobolka Maroodi jeex isla markaana la filayo inay Maalinta beri ah u gudbi doonaan Gobolka Saaxil oo noqonaya kii Sadexaad ee Marxaladan ay ururadu ku kala hadhi doonaan.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland