Hawl-wadeennada Saldhiga Milateri Ee Maraykanku Ku Leeyahay Jabuuti Oo Shaqo Xumo Lagu Eedeeyay

Washington, (SLpost)- Warbixin ay qortay jariirada Washingtopost ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ee saldhiga milateri dalka Jabuuti isticmaalaa ay halis ku jiraan, taasoo lagu sababeeyay feejignaan la’aan ay sameeyaan shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonkaasi.

Jariirada Washingtonpost ayaa soo xiganaysa qoraalo ay milaterigu qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxaanay sheegtay in shaqaalaha saldhiga milateri ee ay isticmaalaan diyaaradaha Mareykanku ay iska dhega-tireen hagista dhinaca diyaaradaha, isla markaana ay ku mashquulaan ciyaaraha laga daawado telefishanada ee madadaalada ah, telefoono, hurdo iyo qaarkood oo qayila.

Waxay sheegtay warbixintu in shaqaalahaasi ay iska dhego-tireen dedaal ay sameeyeen la-taliyeyaal, taasoo ay ahayd inay shaqadooda wanaajiyaan.

Washingtonpost ayaa intaa ku dartay xaaladdan ay abuurtay qaylo-dhaan ay sameeyeen duuliyeyaashu, mid ka mid ah shilalka ay soo xiganayso jariiradu ayay ku sheegtay in sannadkii 2013-kii in diyaarad siday madaxweynaha dalka Jabuuti ay ku sigatay inay isku dhacaan diyaarad kale oo ay leedahay shirkada Kenya Airways.

Sarkaal u hadlay safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Washington ayaa warbixintan ku gacan-saydhay, isagoo ku doodday in garoonku uu yahay amni, waxaanu xusay haddii shaqaalaha madaarkaasi ay hurdaan ama ay qaad cunaan in maalin walba shil dhici lahaa.

US

Somalilandpost.net