Haweenka Subeer Awal oo kulan ay iskugu yimaadeen ku taageeray hanka Muuse Biixi iyo dhaliil ay dusha ka saareen xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Haweenka Subeer Awal ayaa caawa munaasibad balaadhan oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ku soo bandhigay sida ay u taageersan yihiin musharaxnimadda Muuse Biixi iyo dulqaadka badan ee uu muujiyey tan iyo maalintii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa oo loo adeegsaday awooddii dawladeed.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHaweenkan ayaa sheegay inay mideynayaan awoodda beesha Subeer Awal, isagoo xukuumadda ku cambaareeyey kala qaybinta beesha iyo sidda dadkii loo xidhay taageeradda Muuse Biixina badhna loo siidaayey badhna loo haysto sabab la’aan.

Sidoo kale, haweenkan ayaa sheegay inay xukuumaddu lacag badan ku bixinayso inay odayaal dhaqdhaqaajiso ka hor tagga awoodda dhalinyaradda iyo haweenka beesha, iyagoo xusay inay dawladdu ururinaysay odayaal u jawaaba haweenkan aragtidooda cabirayey.

Ugu horeyn Faadumo Yuusuf Qodax oo arrintan ka hadlaysay waxay tidhi” Saleebaan markii adigoo xanuunsanaya oo landon jooga lagu soo sheegay in xisbigii la isku haysto ayaad dawadii soo ilowday oo soo carartay, markaasaad inamadayadii xidh-xidheen, raga aad xidh xidheen rag jeelka gaya malaha waa raggii dalkan xoreeyey, nasiib daro inamadii la soo daayey  waxa mid walba la waydiiyey qabiilkiisa, in gaar ah ayaa jeelkii lagaga yimid, waxanu ahayn dadkii maalkayaga iyo naftayada ku siiyey,  nasiib daro reer Axmed Siilaanyo dadkoodii ayey dadka ka dhex garan waayeen, Saleebaanow waxaanu ka doonaynaa inaad inamada la siidaayo”, waxayna intaas ku dartay “ markii kulmiye ahayn waa tii shaanida la  ingu eedeen jireen, maanta ma tii baad bilowdeen kolba qofka dibadda jooga lagu eedeen jiray, afarta wasiir ha ee hareerahiina jooga ha moodin ninay cod ku hayaan, dantayaduna dib nooga lumi mayso”.

Waxa kale oo usoo jeedisay beelaha kale ee magaaladda Hargeysa dega in aanay leexin waxa jira, isla markaana aanay iyaga waxba isku hayn ee dad wax ka dhexeeyaa isla xisaabtamayo “ beelaha somaliland ee gobolka Hargeysa nala degan in wax la iska sheego ma ogilin idina jawaabi maayno, xukuumada anaga idinka cod badan oo codkii ugu badnaa siinay ee iska daaya af xumadda, waxaanu tudhaynayno tudha, Saleebaanu waxaan leeyahay raganimada ku soo dhooftay ku soo daaya raga xidhan hadii kale dibaynu ka wada sheekaysan”.

Kawsar Cali Faarax oo ah inan dhalinyaro ayaa si qiiro leh uga hadashay iyadoo sheegtay inay sideed sanno cadcadeedda u taagnayd taageeridda Madaxweyne Silaanyo oo ay ku taageeraysay Muuse Biixi darti, iyadoo soo bandhigay gabayo ay ku taageeri jirtay iyo mid ay hadda ku dhaliilayso.

Ayaan Axmed Cabdi Gaas oo ku hadlaysay af dhalinyarada aqoonyahanka ah ee haweenka  ayaa iyaduna hadalkeedda ku bilowday ” waxay maanta u qalanta maalintii la taageeri lahaa Muuse Biixi, maanta waxa loo baahan yahay isbedel, Daahir Rayaale waxaanu u bedelnay si aanu weji cusub aragno, ilaa hadda wax cusub may samayn waxay ku faanaan wadooyin ayaanu samaynay, wadada iyo biyaha waxa horeeya biyaha, maanta waxaanu u baahnahay isbedel taas oo ah Muuse Biixi, waxaan kale idinku darayaa laba xisbi mid waxa uu soo bandhigay mid dhaqaale iyo mid horumarineed, sida nolosha wax looga bedeli lahaaa iyo sida qoys waliba u heli lahaa nolol uu ku noolaado, maanta dad aan waxba awoodi karin oo waxbarasho tagi karin ayaa jira waxaas oo dhan waxba lagama qaban karo, marka aynu wax dooranayno waa inaynu dadka wax qabanaya ku doorano, maadaama oo aanay waxba qaban aynu maanta Muuse ku tijaabino”

Nuura Axmed Budle oo ka mid ah haweenka halkaasi ka hadlay ayaa tidhi” waad ogtihiin qaranku waxa uu ka kooban yahay qabiilo qabiilana ceeb maaha, hadii laba beelood wax loo qaybsaday waxay ahayd inay sidii ay tahay, ninka la yidhaa Xasan Macalin  agtayda macno badan lahayn waa ninkii markii doorashaddu dhacaysay isagoo wasiir ah inta uu is casilay kulmiye ku soo biiray waa wakhtiga uu ragu kala baxo ee ninka gobta ahi ku adkaysto halka uu joogo.  dadka reer kulmiye waxaan leeyahay dadka aad dooranaysaa iska eego oo hubiya, shaanidda marwaddu ha inaga dayso, idinkuna midnimadiina ilaashadda”,.

Muuna jooq dheere ayaa iyaduna hadalkeedda ku bilowday “ haddii Dan iyo duco iyo hoodaale isku tagay cid is hortaagi kara ma jiro, waxaan ka tirsanahay xisbiga NEW UCID, xisbiga kama bixi karo muuse Biixi sharaftiisa ayey dawladina ku soo baxday, maanta jaanis weyn baa inoo banaan hadii aanu nahay beesha subeer Awal”

Nuur ismaaciil Jirde  jirde ayaa sheegtay inay ayaan daro tahay in Ciididamada RRU-du iyo Xukuumadda Somaliland ay dhib iyo tacdiyo ku hayso bulshada kala duwan, waxayna sheegtay in iyada guriga lagala baxay Gurigeeda saqdii dhexe, oo Ciidamada RRU-du la baxday, isla markaana lagu eedayey Shaanidii, “waxa isoo dhacay Ciidamadii waxayna kowdii habeenimo iga kaxaysteen gurigii meel la ii geeyey ma garanayo, sideeddii subaxnimo ayaa la isoo celiyey, caruurtii waxbay ku buufiyeen suntii qaar baa dhakhtaraddda ugu jira, caawa lafteeda waxaan ka baqayaa in sidii hore oo kale layla baxo, hore loo yidhi col ku galay cabsi kugu reeb, cadownimadda intaas leeg ma garanayo goorta heerkaasi ka gaadhay illaa ugxanta la is gurayo”.

Sidoo kale, waxay sheegay inay nasiib daro tahay in marxuum sideed bilood kahor geeriyooday ciidanka loo soo diro hadii ay doonaynaan maydkiisa ha kala soo baxaan xabaalaha Aadan Siro ayey ku jiraane.

Sido kale, haweenku waxay aad uga xumaadeen kala qaybinta beesha dhexdeedda iyo sida dadkii la xidhxidhay qaarna loogu daayo xabsiga qaar kalana la siidaayo taas oo nasiib daro ku tilmaameen.