Haweenay Soomaaliyeed oo isu taagtay xilka Madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO)

Geneva (SLpost)- Haweenay Soomaaliyad ah una dhalatay dalka Kenya oo wakhtigan madax ka ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP) oo lagu magacaabo Aamina Maxamed, ayaa soo bandhigay damaceeda hoggaamineed ee Ururweynaha Ganacsiga Adduunka ee World Trade Organisation (WTO).

Aamina Maxamed oo 26 sanno ah ku soo jirday hawlaha dibloomasiyadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay oo shalay ka hadashay shir ku qabsoomay xarunta ururka WTO ee magaalada Geneva, ayaa sheegtay in ay u taagan tahay xilka Madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka, iyadoo sheegtay in ay leedahay khibrad iyo aragti dheer oo u sahlaysa inay qabato xilka Hoggaanka ugu sarreeya ururka Ganacsiga Adduunka.

Amina MohamedMarwo Aamina waxa ay sheegtay in ay ka soo shaqaysay qayb kasta oo nolosha aasaasiga ah sida iyadoo qayb ka ahayd dhismaha dastuurka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, hawl-gallada goobaha goobaha khatarta amni ka jirto ilaa ay ka gaadhay inay noqoto kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhinaca deegaanka.

Musharaxnimada Aamina Maxamed ayaa noqonaya mid taariikhda baal dahab ah ka galaysa haddii xilkaas loo doortay, iyadoo noqonaysa qofkii isir ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Soomaalida ee jagada heerkaas caalamiga ah u hanqal taagta.

Haweenaydan oo ka mid tahay saddexda xubnood ee midkood la filayo inuu xilkan ku guulaysto, ayaa qaban doonta xilka madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka oo awood badan ku leh dunida, kaas oo xataa ka awood sarreeya Baanka adduunka iyo haayadda lacagta adduunka ee IMF (International Monetary Fund).

SOMALILANDPOST.NET