Haweenay Ku Eedaysan Inay 18 Sano Ka Hor Ka Xaday Cisbitaal  Ilama Yar Oo Maxkamad La Soo Taagayo

Cape town(Slpost)-Dacwad ku saabsan haweeney reer Cape town ah oo lagu eedeeyey inay xadday cunug yar oo markaa uun la dhalay 18 sano ka hor ayaa la filayaa inay saaka bilaabato.

Haweeneydan o ah 50 jir ayaa la xiray bishii February ee kal hore, laakinse iminka damiin ayey dibadda ku joogtaa.Waa sheeko ka yaabisay qaar badan oo ah shacabka Koonfur Afrika. Zephany Nurse ayaa dhalatay bishii April ee sanadkii 1997-dii.

Waxaa laga xaday sariirtii ay saarneyd ayada oo xilligaasi jirtay laba maalmood oo keliya.Waxaa la sheegay in haweeneyda xaday ay cisbitaalka kula saaxiibtay gabadha hooyadeed, kadibna markii ay dhashay ay u sheegtay in ay cunugta u hayneyso si ay u nasato.

Hooyada dhashay Zephany ayaa sidaa ku seexatay, waxaana markii ay soo kacday ay u sheegeen shaqaalaha cisbitaalka in gabadheeda la qaatay.Inkasta oo Zephany Nurse laga raadiyay Koonfur Afrika oo dhan, ayaa waxaa 18 sano ka dib laga helay iskuul ay dhiganeysay, ka dib markii ay ka shakisay gabar ay is la dhasheen oo iskuulka dhiganeysay.

Waxaa lagu sameeyay baaritaanka DNA, sidaasi ayaana lagu ogaaday in ay tahay Zephany.Haweeneyda la tuhunsan yahay ayaa sanadahaasi oo dhan ku nooleyd meel aan sidaa uga fogeyn guriga qoyska ay ka dhalatay Zephany.