Haweenay Ingiriis ah oo Afduub loogu haystay badhtamaha Soomaaliya oo Madaxfurasho lagu sii daayey

Hargeysa, 21 March, 2012 (SLpost)-  Dabley Soomaali ah ayaa maanta sii daayay haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska oo muddo lix bilood ah afduub loogu haystay badhtamaha Soomaaliya taas oo laga soo afduubay Xeebta Koonfureed ee dalka Kenya.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Judith Tebbutt oo ninkeedii lagu dilay weerar ay kooxda sii daayay ku qaadeen iyaga oo ku sugan xeeb lagu raaxeysto oo ku taala duulka Kiwayu ee dalka Kenya, waxa lagu sii daayay madax-furasho aan la shaacin xaddigeeda.

Mrs Tebbutt oo lagu rumaysan yahay inay dhago-culustahay oo u la hadashay telefishanka ITV ayaa tidhi, “Waan ku faraxsanahay in la isii daayo, muddadii bilaha ahaa ee aan xidhnaa waxay igu ahayd sannado marka la eego xaaladda aan ku sugnaa iyo ninkayga oo dhintay.”

Mid ka mid ah budhcad-badeeda oo magaciisa ku sheegay Ahmed ayaa sheegay inay haweenaydan ay xilli hore oo subaxnimadii ah ku wareejiyeen maamulka Deegaanka ka dib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo diyaari cirka uga soo tuurtay.

Sii daynta Haweenaydan ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ka dambaysay ka dib markii koox Dhexdhexaadiyaal ahi todobaadkan horraantiisii u duuleen magaalada Cadaado si ay ula kulmaan dableyda.

Haweenaydan iyo ninkeeda oo ku nool magaalada Sorford, gobolka Hertfordshire ee dalka Ingiriiska, waxa ay tuulada Kiwayu tageen ka dib markii ay ka soo laabteen booqasho ay ku tageen goob xayawaanka lagu xannaaneeyo, waxaana la sheegay inay ahaayeen martida kaliya ee ku sugnaa goobta lagu raaxayso.

Dabley hubaysan ayaa 11 September, 2011 ku weerartay hoygii ay ku jireen kuwaas oo ka hor intii aanay Mrs Tebbutt qudha ka jaray David Tubbett oo 58 jir ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net