Haweenay Haraad Ugu Geeriyootay Xadka Jabuuti Iyo Somaliland

Lawyacaddo, (SLpost)- Haweenay ummul  ah ayaa haraad ugu dhimatay meel 10 km u jirta magaalada Lawyacado ee xuduudka Somaliland iyo wadanka Jabuuti, waxaana hooyadaasi sida la sheegay ay ka soo socdaashay ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hooyadan u geeriyootay haraadka oo da’deeda lagu qiyaasay ilaa soddon jir, isla markaana aan sidan waraaqo sharci ah oo ay ku safarto ayaa sida la sheegay doonaysay in ay ka talawdo xuduuda Somaliland, una gudubto dhinaca dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Marxuuumada oo aan ilaa hadda la aqoonsan magaceeda ayaa wadatay ilmo yar oo ay dhashay, qiyaastiina jira ilaa sannad iyo badh, gabadhan ayaa geeriyootay sida la sheegay 12-kii duhurnimo ee maalinimadii Khamiistii ee ina dhaaftay, waxaana ciidamada Booliska degmada Saylac ku soo wargeliyay dadweynaha deegaankaasi, waxaanay ciidamadu hawl-gal ballaadhan oo ay qaadeen ku soo heleen 7:00 habeenimo maydka marxuumada iyo waliba ilmihii ay sidatay oo bedqaba.

Maydka marxuumada ayaa lagu aasay magaalada Saylac maalinimadii Ciida ee Jimcihii ina dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Salal, halka ilmihii yaraa ee ay ka geeriyootayna  ay gacanta ku hayaan  ciidanka booliska Somaliland, halkaasina lagu xanaaneynayo.

Deegaanka gobolka Salal ayaa waxaa ka taagan xaalad biyo la’aaneed oo saameysay gebi ahaanba dad iyo duunyada ku dhaqan gobolka, iyadoo la sheegay inay hore haraad ugu dhinteen afar qof  oo ku kala geeriyooday meelo kala duwan oo ka mida deegaankaas, sida uu noo xaqiijiyay dhamme saddex xidigle Xasan C/salaam Yuusuf oo ah taliyaha degmadda Saylac.

Masuuliyiinta sare sare iyo maamulka gobolka Salal ayaa baaq u diray xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyo hay’adaha la shaqeeya ee isugu jira kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, waxaanay ugu baaqeen in lala soo gaadho gurmad iyo biyo dhaamis degdega.

Bishan todobaad ee aynu ku jirno ilaa iyo bisha siddeedaad ee sannad walba ayaa sida qaalibka ah ay degaanka dad badani ugu geeriyoodan haraad dartii, kuwaasi oo ka soo kala goosha wadamada Itoobiya iyo meelo kale, iyaga oo doonaya in ay si bilaa sharciya oo dhuumasho ah ugu talaaban xuduudka labada dawladood ay wadaagaan ee Somaliland iyo Jabuuti.