Haween-weynaha Somaliland oo taageeray Hawl-gallada Ciidamada Qaranka ee sugidda Midnimada Dalka, kuna baaqay Bannaan-baxyo laga dhigo dalka oo dhan

Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost)- Haweenka xisbiyada iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa maanta shir balaadhan oo ay ku qabteen xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargeysa ku taageeray Ciidamada qaranka Somaliland iyo qadiyada qaranimada JSL.

Marwo Khadiija Xaaji Bandare oo ugu horreyn ka hadashay shirkaasi ayaa sheegtay inaanay suurto gal ahayn in la kala dhantaalo midnimada Somaliland, waxaanay kooxda ku shirtay Taleex ku tilmaantay niman riyo aan rumoobayn soo dhoodhoobay.
Khadiija Bandare waxay sheegay in Haweenka Somaliland ay u midaysan yihiin taageerada ay u hayaan dalkooda iyo qaranimadooda, iyadoo bogaadisay ciidamadda qaranka oo ay ku ammaantay siday heeganka ugu yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka dalka iyo xuduudaha mucayinka ah ee Somaliland.

Marwo Canab Cumar Ileeye ayaa dhinaceeda ka sheegtay in Somaliland ay tahay qaran dimuqraadi ah oo u bislaaday hanashada qaranimadiisa, waxaanay xustay inaanay suurto gal ahayn in maamul goboleedyo laga dhex abuuro Somaliland.

Canab Cumar Ileeye waxay kooxaha ku shiray Taleex u soo jeedisay inay dalkooda iyo dadkooda ka daayaan hagar daamada.

Canab Cumar Ileeye waxa kale oo ay sheegtay inay maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa fagaaraha Beerta Xoriyada ee Caasimada Hargaysa lagu qaban doono banaan bax weyn oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland, waxaanay bulshada ku dhaqan caasimada ugu baaqday inay si weyn uga soo diyaar garoobaan Mudaharaadkaas si ay beesha caalamka u tusaan dareenkooda ku wajahan qaranimadooda.

Canab Cumar waxay sheegtay in qaranimada Somaliland ay tahay muqadas isla markaana aanay waxba yeeli karin kooxo iyo ashkhaas qaran diid ah.

Sidoo kale, waxa shirkan ka hadashay Marwo Farduus Dirir Cali, waxaanay shacbiga ku dhaqan gobolada Sool iyo Buuhoodle u soo jeedisay inay dhegaha ka furaystaan wax ay ugu yeedhay kooxaha fidmo wadayaasha ah ee dalka dibadiisa laga soo abaabulay isla markaana  doonaya inay dhaawacaan nabadgelyada shacbiga goboladooda.

Waxa kale oo ay sheegtay in haweenka Somaliland si niyad ah u garab taagan yihiin Ciidanka qaranka ee ku sugan gobolka Sool iyo Buuhoodle.

 Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net