Haween-waynaha Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo Taageero Buuxda siiyey Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (SLpost)- Haweenwaynaha ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa, ayaa taageero buuxda siiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.
FB_IMG_1509390044768Boqolaal haween ah oo ku midoobay dallad magaceeda la yidhaa Dan-wadaag, kana soo jeeda degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May oo lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa galabta, taas oo ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu hormood ka yahay Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo saraakiil kale, madaxdhaqameed iyo dhallinyaro.
Xubno ku hadlayey afka haweenka dallada Dan-wadaag, madaxdhaqameed iyo waxgarad kale, ayaa madasha ka caddeeyey inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen inuu yahay murrashaxa keliya ee lagu aamin karo talada waddanka waqtigan.
FB_IMG_1509390032449Wasiirka Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale iyo Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, ayaa iyaguna uga mahadceliyey haweenwaynaha iyo bulshada degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee muujiyey sida ay u barbartaagan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq ballaadhan kaga dareen-celiyey taageerada haweenka Dan-wadaag, waxaannu ku tilmaamay in taageeradooda uu u arkayo lexojeclo iyo hiil ay isaga iyo xisbigaba la barbaristaageen.