Hashu maankeyga gaddeye, ma mansaar bey liqdey?! – W/Q: Baashe Cabdi Gaboobe

Eng. Bashe Abdi Gabobe

Waxaan shacbiga Somaliland iyo mujaahidintii SNM ku hambalyeynaya gudagalkii magaalooyinka Burco iyo Hargeysa 27,31 may 1988,Waxanan Ilaahey uga baryaya in intii halganka ku shahiiday Eebbe janadii ka waraabiyo ehelkii iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan ka siyo.

Caalamka oo ay horkacayaan dawladaha reer galbeedku wuxu galay  marxalad adag oo qalalaase iyo jahawareer  siyaasadeed iyo mid dhaqaale taas oo galaafatey  xukumaddo iyo siyaasiyiin badan oo  muddo dheer xukumaayey dalalkooda sida Berlusconi Talyaaniga ,Papandrougii Greega,Sarkoziga France iyo kuwii uu galaaftey Gu’ga carabta (the arab spring) sida Xusni Mubaarigii Masar,Qadaafigii Liibiya,Cali  Saalaxii Yemen iyo Zain Al-Cabidiinkii Tunis iyo qaar kaloo badan.

Mandaqadeenan geeska Afrika ,wa goob stratijiyad caalami leh oo ay ku yaallaan marino caalami ah sida badda cas iyo Indian Oceanka waxana mara seddex meelood meel dhaqaalaha adduunka .

Haddaba,  Dawladdaha reer galbeedka oo ay hoggaaminyso Dawladda Ingiriisku waxey si gaar ah ugu soo jeesteen dawladii fashilantey (failed state) ee  Somalia (tusaale shirkii London ee loo qabtey somaalida)  iyago danahooda qaran (National Interest) ka ilaashanaya budhcad badeeda Somalia ee u kala goosheysa badda cas iyo Indian oceanka ee  ugaadhsanaysa maraakibta badeecadaha kala duwan sidda,iyo isbaheysiga argagixisada Alqaacida iyo alshabaab oo saldhig ka dhigtay Somalia si  ay kaga duulaaan masaalixda reer galbeedka iyo xulafadooda,xoojinna siiyaan walaalahooda alqaacidada yeman ka dagaalamaaya .Waxa kale oo ay reer galbeedku ka ilaalinayaan mandaqada iney masaaliix muhim ah   (Eco political interest) ku yeeshaan Turkiga iyo China oo labadooduba dhaqaalahoodu si xawli ‘ah u koraayo oo u bahan suuqyo cusub oo ay wax soo saarkooda ka iibiyaan, maalgelinna ku sameeyaan mashaariic muhim ah sida soo saarida shidaalka (china waxey saliid ka heshay xeebaha Kenya, gaasna waxey ka heshay kililka shanaad ee Ethopia),Waxaaney taasi u noqotey furey ama albaab ay ka gasho mandaqadda .

Sidaa awgeed ,dawaddaha reer galbeedku iyagoo  adeegsanaya jimciyadda qurumaha (United nation) waxey ku talo jiraan in ay Somaliya u yagleelaan dawlad si dadban ay u maamulaan ,waxey soo kordhinayaan  ciidamada Afrikaanka ee hore u joogey ee mushahaarkooda ay bixiyaan si ay u difaacaan,xoojiyaana dawladda taagta daran ee Somalia ee la dagaalameysa Alshabaab si ay uga saraan meelaha ay  heystaan . Si marka la daciifiyo alshabaab wixi khayraad dabiciga ah sida shidaalka iyo macdanaha kala duwan ay  shirkadahoodu qiimo jaban‘kula soo baxaan (Puntland waxa shidaal ka baadheysa sharikad Australia ) .

Markey  ujeedadoodu sidaa tahey reer galbeedku ma kala jecla Somaaliya iyo Somaliland,iney kala go’aan iyo iney midoobaan ,waxa iyaga u daran in meeshu xasiloontahey gacantoodana aanay ka bixin (u gacan galin Turkiga ama china)  .Haddaba marku mawqifka reer galbeedku sida yahay maxay ula jeedaan markey leyihiin wada hadla (Somalia iyo Somaliland) maxaase ka soo bixi kara wada hadalkaa?.

Somaalidu waxay ku maahmaada ‘’wada hadla wa heeshiya’’,haddaba Maxaa markaa lagu heshiin kara !!Waxan anigu qabaa Somaliya waqtigan marna ba ma ictirafayso Somaliland haddeynu wax walba akhrino (dawlad gaar ah ayaanu aheyn,wanala xasuuqey iwm) shacbiga Somaalilandna ma ogola midnimo Somaaliyeed haddey wax walba inoo balanqadaan (madaxweyne,caasimadda iwm) .

Marka faa’idada ka soo bixi karta waxa weeye in adduunkii ina odhan jirey wada hadla aynu tusno inaynu ula hadalney si xadaari ah oo cunfi la’aan ah .wixi dhaqaale ahna in goonideena la inoo siiyo .  waxa kali ah ee aynu ku heshiin karnana waxa weeye, walaalayaal aynu kala badbaadno oo aynu nabad kuwada noolaano .Mar haddii natijada wada hadalku sidaa noqonayo,  miyaaney aheyn in aynaan waqti badan ku lumin Somaaliyanu wada hadleyna oo kali ah, ee aynu raadino dawladaha aynu ka fileyno inay na ictraafaan .Adduunku wuxu isku raacey in aynu ictiraaf ka  raadinno Afrika,dawladii hore Riyaale  waxay dadaal badan gelisey, xidhiidh wanaagsan na la sameeysey dawladdo badan oo Afrikaan ah,sida South Africa,Ghana,Kenya,Ethopia,Nigeria iyo qaar kale .

Haddaba  Waxa intaaba isku fuuqsatey, guul iyo hiil Eebbe u soo direy Somaliland oo ah South Sudan oo dhawaan madax banaanideeda qaadatey taas oo aynu wadaagno taariikh dheer oo halgan,xoriyadoon iyo saaxibtinimo waqtigi aynu la dagaalameyney kali taliyihi Siyaad Barre iyaguna la dagaalamaayeen  Xasan Al Bashir.Waxa kale oo aynu wadaagna duruufo siyaasadeed oo isku mid ah sida cadaadis siyaasadeed oo inaga yimaadda  xagga Carabta oo ka soo horjeeda rabitaanka labada ummadood ee goni isu taagooda .

Waxaynu markhaati cad ka wada nahey maalinti ay South Sudan u dabaal dageysey  xorriyadeeda meeiqaamki sare ee sharafta iyo milgaha laha ee ay ku casuumeen madaxweynaheena Axmad maxamad silaanyo iyo waftigi balaadhna ee u hoggaaminaayeey oo la maqaam aha dawladahi kale ee munaasabadda ka soo qeyb galey iyo sida calanka Somaliland u dhex babanaayey calamaddi dawladdaha kale . Waxana khubaradda siyaasaddu isku raacsan yihin in South Sudan tahey dawladda inoogu ictraaf dhaw haddii aynu ka shaqeysanno.

Haddaba iyado fursadda ictraafku sidaa u soo dhawdahey ma waxeynu aqbalna safiirki Somaliland ee  loo magacaabey South Sudan(Mr.Oomane) ayaa lacag loo waayey (Afar iyo lixdan kun dolaar) oo lagu yidhi iska joog Somaliland ilaa sannadka dambe !!.Miyaaney dhab u muqaneyn hadalkii agaasimihi guud ee hore ee wasaaradda arrimaha dibedda Maxamuud Raage oo sheegay in lacagtii safaaradda South Sudan lala baxey ama lunsadey .Si kastaba arrimuhu haw dhaceene ma waxa la garan waayey meel un ha looga qaado lacag iyadoo ay ku jiraan miisaaniyadda lacago badan oo keyd ah oo loogu tala galey abaaraha iyo xallinta khilaafaadka mise arrintu wa dhako kale

Eng. Bashe cabdi Gaboobe.