Hashu Maankayga Gaddaye Ma Masaar Bay Liqday: Haamaha Shiidaalka Berbera!

 

Mushkiladdu waxa aan u malaynayaa in aanay ahayn in haamaha ganacsato madaxbannaan lagu wareejiyo ee waa sida loogu wareejinayo iyo kuwa lagu wareejinayaa waxa ay ku mutaysteen.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo marka waxqabadkeeda halkaas la dhigo, waxa ay ku caan baxday wax ay xukuumadihii ka horreeyey la wadaagto oo ah musuqmaasuq iyo eex ku salaysan qaraabokiil iyo naasnuujin hantida ummadda ku aaddan oo la siiyo cid aan sifo sharci ah ku mutaysan. Sababta ay caanka falalkaas xun ugu noqonaysaa waa laba: Hantida qaranka soo gashay oo ka badan intii hore iyo boobka oo la batay, waxa soo raacaya oo labeeya maamul xumaan oodaha jabsatay oo ka soo jeedda hoggaanka sare ee waddanka ama karti darro ha ku keento ama daruufo kale ba ha jiraane.

Taas waxa si togan uga faa’iidaystay dad aan xilkas ahayn oo awood helay ama wax ku yeeshay awoodda maamul, waxa na sii badhitaaray mas’uuliyad darrada inta badan ee ku aaddan dhaqanka foosha xun ee ku salaysan “qaatay ee adba qaado ama isba qaadey ee amba maan qaato”!

Waxa aan been ahayn oo la hubiyey in ay xukuumadda ka mid yihiin mas’uuliyiin guryo kiro ah Hargeysa kaga jiray maalintii ay xilka qabteen oo maantana leh bangalooyin waa weyn oo boqollaal kun oo Dollar ku kacay, guryo kale oo dhaadheerna dhiskoodu u socdaan. Ma lahayn wax hanti ah oo meel u taallay ama xoolo nool oo u foofa oo u diiwaan gashan. Dhaxal waalid oo ay heleen na lama oga, oo ma aanay sheegin. Ganacsi u socda oo ay ka faa’iideen ama saamiyo ay iibiyeenna lama hayo, ma ay soo bandhigin. Mushahaaradoodu guri uma dhisi karto, oo waa la wada og yahay. Dadku taas bay arkaan oo aan si daah-furan oo banyaal ah wax ba looga ogayn, xukuumadduna aanay wax ka qaban. Waxa ay inta badani u haystaa in nimankaasi hantidii ummadda awoodda dawladeed ku dhaceen, ku boobeen oo ku mutaysteen yeelasho hanti aanay xaq u lahayn.

Waxa jira wasiir dhoofiyey kontaynar macdan ah oo markii la ogaaday (shacab) ee caddaymihii la horkeenay ee wax laga waydiiyey ku jawaabay “waxa uu ahaa muunad (Sample) oo ganacsi ma ahayn. Hadda waa kumannaan kiiloo oo dhagax macdaneed ah waxa uu muunadda (sample) inoogu sheegayaa! Muunaddu waa wax yar oo dhawr kiiloo ku siman (3 – 5 KG) oo la soo tijaabinayo waxa ay yihiin ee ma aha rar culayskiisu dhan yahay 30 Ton iwm!!

Waxa jira oo aan been ahayn xildhibaanno la siiyey qandaraasyo aan cidi u tartamin oo dhawr malyan oo dollar jooga ama lagu lunsado.

Dadku duunyo ma aha ee waxaas oo dhan iyo boqollaal kale oo la mid ah oo wada fadeexado ah waa u shaahid, inna waa u sheeko.

Mushkiladda meesha taallaa waa taas. Waxa kala aamin baxay dadkii iyo dawladdii. Arrintii baadhitaanka shiidaalka ee Saraar baa tusaale fiican oo kale ah. Kalsoonidii shacabku way dhimatay oo waa la dilay. Nin bayr leh oo tuug wax qarsanaya ah ayaa dawladnimadii iyo shacabkii kala diley.

Dawladdiina waxa ay gabtay oo ku guuldarraysatay in dadka sida caddaaladda ugu dhow ugu kala qaybiso ilaha dhaqaale ee yar oo ay xaqsoor fiican samayso, iyada oo adeegsanaysa isirrada maamul wanaagga ee daahfurnaanta iyo banyaalnimada, isla xisaabtanka iyo u qoollaanta mas’uuliyadda cid kastaa ba gacanta ku hayso. Waa la samayn karaa sidaas, waa se haddii la doonayo. Waddanka waxaasi ka dhacayaan ma jiro mas’uul lagu soo eedaayaa in uu ku kacay musuq, xatooyo qaran iyo qaraabo-kiil iwm!!

Haamaha Shiidaalka Berberana waa qaabaddaas! Gacan-togaalayntaas iyo daah-furnaan la’aantaas baa keenaysa muranka iyo diidmada qayaxan ee shacabku dhabarka ugu jeedinayo.

Shacabka Berbera (Saaxil) waa halka ugu horraysa ee laga fili karo gilgilashada ugu horraysa sidii shacabka Saraareed ba ku kaceen markii dhulkii xooluhu u daaqayeen cagafta la geliyey iyada oo aan talo wax iyaga lagaga waydiinayo la la wadaagin, la na wacyi gelin.

Meel kasta marka wax laga samaynayo waa in laga talo geliyaa dadka ku nool. Dadka waxaas la samaanayaa saamyanta ku yeelan doonaan xag degaan, dhaqaale iyo bulsheed ba arrintu way khusaysaa, haddii la iska dhego-maro na waxa ay noqon oday ka sheekee uun.

Hase yeeshee nin wax qarsanayaa cid uma sheego sirtiisa oo kala ma tashado, waa in uu isku dayaa in uu la hunbaalleeyo oo la dhuunto, haddii lagu ogaada na uu had ba doc isku qaadaa oo daasado madhan garaacaa. Maxaa Sheekh hadda ciidamada laga la doonayaa ma cadow baa soo galay, mise wax kalaa ka soo naaso caddaaday.

Maxaa colka geliyey golihii barlamaanka oo hoggaankiisii luqunta isugu maray oo feedka iyo hooyo cayga ku jirrabey?! Maxaa mooshin la laalay kolba dabada ka soo riixaya oo golaha ku soo celinaya laba toddobaad gudahood?! Maxaa qofkii hadlaba raacdadu u raad guraysaa oo loogu hanjabayaa ama xabsiga loo dhigayaa?!

Waxan oo dhan waxa lagu dambabasaayaa basar xumada loo maamulayo wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo raacaysa jidkii maamul xumada xukuumadda Axmed Siilaanyo, tallaabooyinkii boobka ka gaadhsiiska ah ee hantida ummadda ka dhaxaysa iyo sida aan daah-furnaanta lahayn ee daboolan ee loo maro bixinta qandaraasyada iyo wareejinta hantida guud ee qaranka ee Haamuhu ka mid yihiin.

Habeen dhowayd baan ka dhegaystay maareeyaha Haamaha oo HCTV ka leh “Aingaa maamula Haamaha Shiidaalka. Waan wareejinaynaa”! Waa garashadaas jaan iyo maankaas qurracan waxa wax murginayaa. Haddii uu maamulo Haamaha ayaa awoodda u siiyey wareejintooda ma macdaar uu isagu leeyahay baa?! Wasiirrada ayaa qaabaddaas u dhaqmaya. Mas’uul kastaa waxa ay la tahay badiba in meeshu uu joogo isagu leeyahay, waayo cid baan kula xisaabtamayn waxa uu bi’iyo, isna taas uma qoolla oo wuu og yahay.

Marka ay sidaas oo kale dhacdo ee dawladdu dadka u kala xaqsoori kari waydo. Marka maamulkeedu daah-furnaan waayo, ee wax waliba muhmal iyo madmadow miidhan noqdaan. Marka dalba-juuqaheedu bataan ee la xisaabtan la waayo. Marka madaxdu waxa ay doonto ku tallaabsan karto, ee xilkasnimo god dheer iyo dalluun lagu tuuro. Marka ay noqoto “qaatay ee qaado, oo afka buuxso, afkaagana hayso! Marka qofkii taas ku baraaruga ee damqada ee ka daaya yidhaahda loo cagajugleeyo ama xabsiga la dhigo, waxa ka dhasha cuyuban kale iyo lama maleeyaan, waa na isirro ifafaaleyaal u ah kicitaanno iyo gilgilashooyin dadweyne, oo wax kasta Iyana dhali kara tabnaan iyo tognaan ba.

Haddii muddarrooyinkaasi sii socdaan waxa ka dhashaa waa iska horimaad la isku badheedho oo xaq iyo xaqdarradu ku kala quusqaadayaan.

Waxa uun habboon in la iska jiro oo laga digtoonaado tabaha ay cuskadaan kuwa wax dulmiyaa oo ah kala ilaalinta xoogagga dadwene iyo kala qaybinta midnimada quluubtooda, si ay u kala fogeeyaan oo ay dulmaneyaasha dhibbabaha ah ka yeelaan “La haystayaal is haysta”, cududdoodana isku jebiyaan oo ka dhex faashleeyaan.

Waxa ay galagalaystaan goldaloolada shacabka iyo goljilicdiisa. Innaga teennu, halka aynu u jilicsananay ee la inaga abbaaraa, waa qabiilka iyo qabyaaladda. Kooxaha dawladdu waa isku qolo, inteenna kale na isku qolo ayaynu nahay. Haddii aynu fahamkaas qaadanno oo ku hawl geli lahayn waynu ka adkaan lahayn iyaga oo ama waynu iska ridi lahayn ama waxa ay ku socon lahaayeen sharciga oo aynu ku ilaalin lahayn, qarankuna wuu inoo nabad geli lahaa, wax se ay ku cimri dheeraystaan xukunnada maamulka xumi kala daadsanaanta garashada dadka iyo kala qaybsanaanta cududdooda.

“Isxaaqda maan diidin ee Xaaqdaan diiday”! Wareejinta Haamaha lama diidin ee sida loo wareejinayaa la diiddan yahay! Mushkiladdu waa intaas. Waa in la diidaa inta si daah-furan loo la imanayo qorshe wareejineed oo banyaal ah oo sida muraayadda cid waliba isaga dhex arki karto, haddii kale oo aanay taas xukuumaddu kari karin, ummadda hantideeda iyadu gacanta ha ku hayso inta loogu imanayo ee dawlad kale kala wareegayso ha ku sinto. Lama waayin hanti lagu dayac-tiro iyo tu lagu hagaajiyo ba oo dalku maanta maalin uu ka dakhli badan yahay inama soo marin, haddii loo meel iyo miidaan deyayo.

Tuugow mareegaale!

Adduun Caaryaale!

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc