“Hargeysaay Waad Hurudaa, Berbera Weerar Xun Ayaa Lagu Hayaa, Dalkana Wax Ka Nool Xildhibaanada Halkan Fadhiya [Waddani] Hubkay Haystaana Waa Shacabka”Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga Waddani ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay taageeraan xildhibaanada reer Waddani ee mucaaradka ka ah golaha wakiilada.

Xildhibaanka oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xafiiska xisbiga Waddani ee degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa, wuxuu sheegay inay shacabku yihiin hubka ay xildhibaanadu haystaan, waxaanu shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inay baraarugaan oo ay toosaan, “Maanta inta kaliya ee hadlaysa ee cidhiidhiga lagu hayaa ee ay u hadhay in la qufulo waa Golahayaga Wakiillada iyo Guddoomiyahayaga, waxa dalka ka nool Xildhibaanada halkan fadhiya, Xildhibaanadani waxay haystaan dadka, xildhinadaasi  cid aan dadkaas ahayn ma haystaan, hadaad niyad-jabtaan annagana madaxa ayaa nalaga jarayaa, waayo idinka ayaa noo madfaca, idinka ayaa noo beebee ah, awoodana inagaa leh.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Carabtu waxay tidhaahda: Tuugu sanad ayuu cararaa maalin ayaase la qabta , Shan sanadood ayay imika cararayeen [xukuumadda] oo imika madaxa ayay la soo baxeen.”

Wuxuu intaas raaciyay isagoo ka hadlaya ahmiyada Berbera, “Magaalada Berbera la yidhaahdo nimcadii dalkani Berbera ayay taalaa,  hadday sibidh tahay hadday deked tahay, hadday shidaalo tahay, hadday haamo tahay iyadoo meel walba uu qarankeenu nimco leeyahay haddana meesha ugu badani waa Berbera. Weerar xun ayaa lagu hayaa, haw qaadanina inay cid qudhi leedahay Berbera, Berbera qarankaa wada leh annagu difaaci mayno haddaydaan difaacan, nimacada wada difaacda ayaan leeyahay. Hargeysaad waad hurudaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday xildhibaanku.

Xigasho Geeska Afrika