Hargeysa: Xukuumadda oo Digniin u dirtay Beesha Caalamka, Soomaaliya iyo Shacabka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ugu wargelisay inaanay qayb ka ahayn nidaamka doorashooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan dalkaasi Soomaaliya ee ay tahay dalka ka madax-bannaan, isla markaana ka feejignaadaan sheegashada maamulka Muqdisho.

War-saxaafadeed ka Isniinta maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo nidaamkiisa maamul ku dhisan yahay hannaan dimuqraadiyadeed oo Shacabku codkooda ku doortaan madaxda hoggaamisa.

War-saxaafadeedka, oo xambaarsan saddex farriimood oo lagu kala socodsiiyey Beesha Caalamka, Dowladda Muqdisho iyo Shacabka Somaliland, nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u dhignaa sida hoos ku qoran:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qaramada midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka taagta daran ee Somalia.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 18 may 1991 kii, lasoo noqotay dawladnimadeedii ay ku darsatay somalia 1960 kii, Soddon sano kadib Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta (Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka), Sharci-dejinta (Golaha Wakiilada), iyo Dawladaha Hoose, si xor iyo xalaal ah, oo qof iyo cod ah.

Sidaa darteed Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta Somalia in ay ka waantoobaan sheegashada beenta iyo riyada ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Ugu dambayn Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-gelinaysaa shacbiga somaliland in ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadawga jamhuuriyadda somaliland, islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo isku dayda in ay ku xad gudubto madax bannaanida iyo qarannimada Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net