Hargeysa: Xildhibaan Wasiirka Arrimaha Guddaha Ku Eedeeyay Inuu Kala Qaybinayo Bulshada Gobolka Sool

Hargeysa (SL.Post) Siciid Maxamed Cilmi oo ah mudane  ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay in  Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Yaasiin  X. Maxamuud Xiir (Fartoon) uu wado qorsheyaa lagu kala qabinayo bulshad.a ku dhaqan Gobolka Sool.

hqdefault

Geesta kale waxa isna eedahan Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Wasiirka arrimaha guddaha ka jawaabay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah  mudanayaasha Golaha Wakiillada, waxaanu sheegay in Wasiir Fartoon ka shaqaynayo midnimada iyo Wadajirka bulshada Gobolka Sool.

Eedahan ay isku loo jeediyay Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland ayaa imanaya, iyadoo dhawaan Wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayo ay u tageen magaalada Laasacaanood xal u heliada shaqaaqo koonfurta Gobolka Sool ku Dhex-maray labada beelood oo halkaasi wada dega.

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net