Hargeysa: Xiisaha Kulamada ka socda garoonka 31-ka May oo gebo-gebo ku dhow

SLpost Sports – Weli waxa si habsami ah uga sii socda garoonka 31-May tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ku hirdamayaan 20-kooxood.

Waxaana shalay la galay isreeb-reebkii loo loogu soo baxayay wareega afar afarta waxayna ciyaartii hore  ku dhexmaray  garoonka 31-May labada kooxood ee kala ah Kaafi iyo Saafari, ciyaartaas oo ay  dawaashadeeda ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara-badan, waxaanay ku bilaabantay weerar iyo weerar celis ay labada kooxoodba garoonka la soo galeen oo ay mid waliba ku  dedaalaysay inay u soo gudubto afar-afarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar ay degaanaansho ku dheehantahay, ciyaartaas oo hafkii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminayso kooxda Kaafi oo saxeexay laacibka Cabdiwahaab-yare.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday oo ay koox waliba tababaraheeda la soo tashatay ayay koox waliba awoodeed ciyaareed sare u sii qaaday, iyada oo dadweynihii ciyaarta ka soo qaybgalay ay aad u sii jeclaysteen daawashadeed, ayay waxay ciyaartaasi ku soo gebogabowday 1-0 ay  guushu ku raacday kooxda Kaafi

Dhanka kale, waxay ciyaar aad u xiis badani ku dhexmartay garoonka 31-May kooxaha kala ah Cali Marshal iyo Alpha 2 University. Labada kooxoodba waxay  soo bandhigay ciyaar aad u degan oo ay xamaasadi  ku dheehantahay, ciyaartaas oo ay ka soo qaybgaleen  dawashadeeda dadweyna aad u fara-badan oo ciyaarta aad ugu bogay habsami socodkeeda . Labada kooxoodba waxay  soo bandhigeen ciyaar ah weerar iyo weerar celis. Ciyaartaasina waxay ku soo gebogabowday 3-1 ay guushu ku raacday kooxda AlphaUniversity.

Somalilandpost.net

Sports News Desk