Hargeysa: Xaddiga Maandooriye Khatar ah, lacag iyo Dadkii ka Ganacsayay oo Ciidamada Boolisku Gacanta ku dhigeen

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliiska oo Maalmihii u dambeeyay kordhiyey Hawl-gallada ay amniga ku sugayaan, ayaa doraad gacanta ku dhigay Daawada loo yaqaanno ISBIIRTADA, taasi oo dadka qaar Maandooriye ahaan u Isticmaalaan.

Booliiska ayaa Gacanta ku dhigay 85 Litir oo Isbiirto ah iyo qayb ka mid ah Lacag Dadkii Isbiirtada ka Ganacsanayey ku iibiyeen, taasi oo iskugu jirta Shilinka Somaliland, Dollar iyo lacagta Itoobiya ee loo yaqaanno Birta, sida ay sheegeen Taliska Ciidammada Booliiska oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

maandooriyeTaliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ugu horreyn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Hawl-galka Isbiirtadan lagu soo qabtay sidoo kalena lagu qab-qabtay dhallinyaro ka mid ah kuwa Daawadan Maandooriye ahaanta u isticmaala.

Taliye Fooxle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Halkan waxa yaalla 81 Litir oo Maandooriyaha Isbiirtada ah iyo Caagado madhan oo ah kuwii loogu qayb-qaybinayey dhallinyarada dhaqanka laga beddelayey, Lacagtana waa tii lagu iibiyey wixii hore ee baxay (La iibsaday), dhammaan Lacagtaa iyo Daroogadaa waxa Gacanta ku soo dhigay Ciidanka Booliiska, gaar ahaan qaybta bariga, gaar ahaa Saldhigga Sheekh Nuur iyo Gacan-libaax, markaa Ciidankaa iyo Taliyeyaashaasi aad bay u Mahadsan yihiin..”

Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo isaguna sii faahfaahiyey qabashada Isbiirtadan iyo Cadadka Lacagta lagu qabtay Dadkii ka Ganacsanayey ayaa yidhi “Booliisku wuxuu soo qabtay 85 Litir oo Isbiirto ah iyo 68 Caagadood oo madhan (kuwa Isbiirtada lagu shushubo), 8,380,000 shilin, 1100 Birta Itoobiya ah 302 dollar, Lacagtaasi oo ah tii ay ku iibiyeen Mukhaadaraadkan.”

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay in Kiiskan loo qabtay 8 Qof oo qaarkood Dumar yihiin “Mukhaadaraadkan waxa loo soo xidhay illaa 8 Qof oo rag iyo Dumarba leh, waana kuwo Shaqo ka dhigtay oo caado ka dhigtay inay waxaa iibiyaan..”ayuu yidhi.

Isbiirtada oo ah Dawo Dhakhaatiirtu u isticmaalaan Nadiifinta Nabarrada la doonayo in la dhayo, ayaa Dadka qaarkoodna u isticmaalaan Maandooriye ahaan, waxaana habeenkii Xaafadaha Hargeysa qaarkood lagu arkaa dhallinyaro koox koox u wada socda oo sita Caagado ay ku jirto Dawada Isbiirtada oo ay Maandooriye ahaan u isticmaalaan.