Hargeysa: Xaafado kamid ah Degmada Kood-buur oo Salaadda Ciida loo asteeyey Goob Cusub

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Culimada, Odayaasha iyo Waxgaradka qaar kamid ah Xaafadaha Degmada Ibraahim Kood-buur ayaa Iclaamiyey goob loo asteeyey inay Bulshada ku dhaqan Xaafadaasi ku Tukan doonaan Maalinta Ciidda ee fooda inagu soo haysa Saalada.

 

Goobtan oo ah Fagaare ay ku tukan karaan Dad badan, isla markaana looga gol-leeyahay in Salaada Jamaca ee Ciida loogu mideeyo Dadweynaha degen Xaafadda Jigjiga yar qaybta Guul Alla 2, Gantaalaha, Magaalo Obsiiye, Sheedaha, ilaa Buurta kala jeexan, ayaa ah barxad ah laga qoondeeyey Wadadda 150-ka oo ka bilaabmaysa Afaafka xarunta Jaamacadda ADMAS ilaa halka ay ku dhamaadaan Basaska Jigjiga yar, sida uu sheegeen Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo kamida Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay weheliyaan Culimada Masaajid ku yaalla Xaafadahaasi.

 

Xildhibaanka iyo Culimada ayaa sheegay in goobtani ay tahay meesha ugu haboon ee ay Dadweynaha Xaafadaha Jigjiga qaybta Waqooyiga iyo Galbeed kaga beegan Hudheelka Maansoor ku wada tukan karaan Salaadaha Jamaca ah, maadaama oo aanu jirin dhul kale oo banaan oo qaadi kara mujtamaca Xaafadahaasi ku nool.

 

Waxa ay sheegeen in halkaasi si ku meel-gaadh ah loogu oogi doono Salaadaha inta laga dhamaystirayo Garoon kubbaddeed oo laga samaynayo Xaafada Gantaalaha, waxaanay Dadweynaha ugu baaqeen inay sidaasi ula socdaan oo ay halkaasi kaga soo qaybgalaan Salaada Munaasibada Ciidal-fidriga.

 

Xaafadaha goobtan ku Tukan doona ayaa kala ah, Gantaalaha, Gaandhi, Obsiiye, Guul ah ilaa Istaanka Basasku ka soo laabtaan, sida ay sheegeen culimada iyo xubnaha kale ee arrintan iclaamiyey.

 

Dadweynaha Xaafadahan ayaa hore ugu Tukan jiray Dhul masaafo u jira oo ahaa Garoon ay leeyihiin Dad Ganacsato ah, halkaasoo iminka la dhisay.

 

https://www.youtube.com/watch?v=H-of6oaPdZA