HARGEYSA: Wax-garad, Odayaal iyo Xildhibaanno ka digay Majaro Habaabin lagu wado Nabadaynta Deegaamada Qorulugud Iyo Buuhoodle

Hargeysa (SLpost)- Waxgarad, xildhibaanno iyo Odayaal ka soo jeeda degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle oo uu hor kacayay Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, ayaa ka hadlay Xaaladda Deegaanka Qorulugud, Nabadaynta Beelaha Buuhoodle iyo Qorulugud, waxaanay taageero u muujiyeen wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Xagla-toosiye oo ay ku majeerteen dedaallada nabadeed ee uu ka wado-deegaanka iyo wax-qabadka adeegyada caafimaad ee uu dalka ka hirgeliyey.

Waxgaradka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in baahi weyn loo qabo nabad-waarta oo laga dhex-dhaliyo beelaha walaalaha ee ku dhaqan gobolka Buuhoodle, waxaanay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay sidii hawl-galkaas nabadeed loogu wakiilan lahaa dadka deegaanka metela si guul looga gaadho nabadweynta deegaanka Buuhoodle.

warxWaxa ay farta ku fiiqeen in gebi ahaanba la dhinac maray ciddii nabadda Ka wada-hadli lahayd ee u meteli lahayd dhinacooda deegaanka Qorulugud, balse ay hadda arkaan Deegaanka Buuhoodle oo Nabadda u diyaar ah, waxaanay ka codsadeen dadka deegaanka Buuhoodle inay ka war-sugayaan inta dhinacooda cid u metasha wada-xaajoodka nabadeynta ay beel ahaan soo dirsanayaan.

HALKAN KA DAAWO