Hargeysa: Wasiirkii hore ee Wershadaha oo soo bandhigay Sababta ka dambaysa Diidmada Guddoomiye Cirro ee Xubnaha Komishanka Madaxweynuhu soo magacaabay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland, Shucayb Maxamed Muuse, ayaa soo bandhigay sababo uu ku sheegay inay salka ku hayaan go’aanka diidmada ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ka muujiyey laba xubnood ee madaxweyne Biixi u magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Cusub.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cabasho ka muujiyey isla markaana ka biyo-diiday laba ka tirsan saddexda xubnood ee Madaxweyne Muuse Biixi u soo xulay Guddiga cusub ee Doorashooyinka, waxaanu xisbiga Waddani ku dooday inay xubnahaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye. Waxaanu xisbigu arrintan kaga jawaabay Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas la gaadhsiiyey Golaha Wakiillada Somaliland oo xilligan ay horyaallaan todobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka si ay u ansixiyaan, waxaanu guddoomiyuhu warqaddaas ku dalbaday in la hakiyo xubinta xisbigoodu u soo magacaabay inta laga jawaabayo cabashadooda.

Haddaba, Wasiirkii hore ee Wershadaha Xukuumaddii madaxweyne Axmed-Siilaanyo, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu guddoomiyaha Waddani ku eedeeyey inuu marin-habaabiyey ujeeddada uu cabashadiisa ku muujiyey ee uu ku diiddan yahay labada xubnood, sababta rasmiga ahina tahay inuu Md Cabdiraxmaan Cirro ka soo horjeedo ama diiddan yahay haybta ay ka soo jeedaan labada xubnood oo midkood tahay Haweenay ka tirsan Guddiga Komishanka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday oo madaxweynuhu dib u soo magacaabay.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Ex-Wasiir Shucayb ee arrintan iyo eedaymo uu u jeediyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.