Hargeysa: Wasiirkii hore ee Horumarinta Caafimaadka oo Xilkii Wasaaradda si rasmi ah ugu wareejiyey Munaasibad Laysku Arkay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xilkii ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda loo soo magacaabay dhowaan.

 

Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey Warqad istiqaallo ah oo uu kaga codsaday inaanu sii wadi-karin masuuliyadda Xilka wasaaradda xaalado caafimaad awgeed, taas oo madaxweyne Muuse Biixi ka aqbalay, isla markaana masuul cusub u magacaabay Wasaaradda.

xilwareejinta caafimaadka

 

Munaasibadda Xil-wareejinta oo maanta ku qabsoontay Hoolka Shaqaaladda Dowladda ee magaalada Hargeysa, , waxa ka soo qayb-galay Wasiirro iyo Agaasimeyaal ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Sharci-dejinta, Abwaanno, Madax-dhaqameed, madaxda iyo Shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradda iyo Marti-sharaf kale.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN OO DHAMMEYSTIRAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE