Hargeysa: Wasiirka Diinta oo soo Xidhay Kulamo Diimeed Arrimo Muhiim ah Lagaga Hadlay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdi Axmed, ayaa soo xidhay caawa kulamo diimeed iyo muxaadarooyin muhiim ah oo bulshada reer Somaliland lagaga wacyigelinayey khataraha dhibaatooyin xasaasi ah oo waqtigan dadka dul hoganaya oo muddo 11 habeen ah ka socday Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa.

DSC05072Barnaamijkan oo muddo 11 habeen si xidhiidh ah uga socday Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Hargeysa, waxa ka qaybgalay inta badan culimada waaweyn ee dalka iyo aqoonyahanno kala duwan, kuwaas oo si baaxad leh uga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; dhibaatooyinka ku lammaan ku dhaqanka qabyaaladda, mushkiladaha qaadka, aqoon-darrada dhinaca ee dadweynuhu ku sugan yihiin, warbaahinta oo si qaldan loo adeegsado, khatarta tahriibka, dibjirnimada carruurta, tarbiyadda ubadka ee qalloocatay, diin-cayga iyo meel-kaga-dhaca sharafta dadka.

DSC05074Xaflad loo sameeyey xidhitaankii kulamo-diimeedka oo xalay la soo afmeeray, waxa ka ugu horreyn ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan  Axmed Cabdi, waxaanu ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee qabanqaabada barnaamijkan iyo arrimaha muhiimka ah ee culimada iyo aqoonyahannadu kaga warrameen.

“Waxaannu u mahadnaqaynaa cid kasta oo ka qaybqaadatay diyaarinta iyo fududeynta barnaamijkan culimadu isugu yimmaaddeen iyo mawduucyadii kala duwaneaa lagaga hadlay, waxaanan bulshada reer Somaliland ku dhiirrigelinayaa inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan cid kastoo wax wanaagsan u wadda oo samaha iyo nasteexa ummadda ka shaqaynaysa, dawladda iyo dadka aqoonta leh ayaana xil weyn ka saaran yahay inay bulshadooda wanaagga ku hagaan,” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay culimo ay ka mid yihiin Cawil Faatax iyo Sheekh Maxamed Cali-gadhle, kuwaas oo dadweynaha ku boorriyey inay iska xaadhaan oo iska xilsaaraan qashin-gurka iyo ilaalinta nadaafadda guud.

DSC05076“Xannuunnada culimadu muxaadarooyinka kaga hadleen ee aan la dareenaysan waxa ka mid ah qashinka iyo nadaafad-darrada ka muuqata magaaladeenna [Hargeysa]. Haddii qof kastaa mehereaddiisa iyo inta ku xeeran iska xilsaaro waxa hubaal ah in nadaafdau wanaagsanaan doonto.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Maxamed Cal-gadhle.

Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Maroodi-jeex Sheekh  Maxamed Ibraahim Jaamac, ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyey  shaqada laga rabo wasaaraddiisa, isaga oo baaq u diray imaamyada iyo khudabadaha masaajidada ka jeediya, kuwaas oo uu ka dalbay inay bulshada ka wacyigeliyaan shanta Jimce ee soo socda dhibaatooyinka iyo khataraha arrimaha culimadu kaga hadleen muxaadarooyinkan, waxaannu sheegay in ay caasimadda Hargeysa ka dhisan yihiin ilaa 500 masaajid oo lagu cibaadaysto.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo kulanka soo gunaanaday, ayaa aad ugu dheeraaday sida wasaaraddiisu goor kasta diyaar ugu tahay inay la shaqayso cid kastoo isu xilqaanta hawlaha wanaagga u soo jiidaya diinta islaamka iyo bulshada reer Somaliland, waxaannu ammaanay dadka soo qanbaabiyey kulan-diimeedkan oo uu ku tilmaamay inay bulshada wax weyn u qabteen.

“Nabadgelyadu waxay ku xidan tahay dadka oo la sheqeeya dawladda iyo iyaga oo si isku duuban uga hawlgala la-dagaallanka dhaqan-xumada iyo mashaaklika bulshada dhexdeeda yaal, waxaanan aad u ammaanayaa dadka soo diyaariyey barnaamijakan iyo masuuliyiinta Masaajidka Cali Mataan oo markasta ku hawlan kolba waxyaabo ummadda iyo diintaba dan u ah,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Gunaanadkii waxa halkaas abaalmarinno iyo hadiyado lagu guddoonsiiyey Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo muddo 17 sannadood ah tafsiirka qur’aanka kariimka ka akhriyey Masjidka Cali Mataan ee badhtamaha Hargeysa.

Qabanqaabada iyo isku-dubbaridka barnaamijkan waxa soo agaasimay Jimciyadda Tanmiyah oo qaabilsan wacyigelinta iyo tababarrada arrimaha kor loogu qaadayo diinta islaamka.

SOMALILANDPOST.NET