HARGEYSA: Wasaarka Warfaafinta oo Seefta la dhex-qaaday Madax-waaxeedyada Wasaaradda iyo Masuuliyiin Magac ku leh Saxaafadda Somaliland oo la magacaabay (AKHRISO LIISKA)

Liiska (1)Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu Isku-shaandheyn ku sameeyey madax-waaxeedyada qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaraddaasi, isagoo xilalka ka qaaday masuuliyiintii hore ee madax-qaybeedyada isla markaana u magacaabay masuuliyiin kale.

Wasiir Guri-barwaaqo uu Xilalkii ay hayeen ka Qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakule iyo Guddoomiyihii Wargeysyada Dawladda Maxamed Mire (Sayid) iyo sidoo kale madax-qaybeedyo kale, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin kale oo qaarkood ka tirsan yihiin Shaqaalaha Wasaaradda, halka xilalka labadaas xil oo ugu muc-weyn xilalka isku beddelka lagu sameeyey iyagana beddelkooda loo magacaabay laba ka mid ah Ruug-caddaaga Saxaafadda madaxa-bannaan kuwaas oo kala ah Guddoomiyihii Wargeyska Madax-bannaan ee OGAAL Muuse Faarax Jaambiir oo loo magacaabay Maareeyaha Telefishanka Qaranka iyo Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), Guddoomiyihii Wargeyska madaxa-bannaan ee HUBAAL oo isagana loo magacaabay Guddoomiyaha Wargeysyada Dowladda.

Waxa kale oo Wasiirku Isku-beddel ku sameeyey qaar ka mid ah madax-waaxeedyada, isagoo qaarkood ka beddelay booskii hore una magacaabay waax kale. Wasiirku waxa uu xilal u magacaabay dhowr ka mid ah Suxufiyiinta dhalinyarada ee ka dhex-muuqata Qaybaha Wasaaradda Warfaafinta, isagoo u dallacsiiyey madax-waaxeedyada wasaaradda qaarkood.

Waxaanu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Liiska Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday, Kuwa la magacaabay iyo kuwa Isku-beddelka lagu sameeyey

Liiska (1)Liiska (2)