Hargeysa: Warbixin Caafimaad oo daboolka ka qaadday sida Xawliga ah ee uu Bulshada dhexdeeda ugu fidayo Cudurka Halista ah ee Joonis-cadka ama Cagaar-showga [Hepatitis B] – (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Baadhis Caafimaad oo lagu sameeyey Boqolaal qof oo booqday Siddeed Cusbitaal ama Xarun Caafimaad oo ku kala yaala gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa lagu ogaaday inay sii kordhayaan tirada dadka Qaba Cudurka loo yaqaano Joonis-cadka ama Cagaar-showga (Hepatitis B) oo ah Xannuun halis ah oo ku dhaca dhaca Beerka Qofka bani’aadamka.

In kasta oo aanay jirin xog-ururin caafimaad oo laga sameeyey dalka oo dhan, sannadkii 2013-dii waxa la baadhay 7305 qof, waxaana cudur-sidaha Hepatitis B ama Cagaar-showga laga helay 455 oo noqonaysa in tira ka badan boqolkiiba lix dadkii la baadhay laga helay xannuunkan. Sidoo kale, sannadkii la soo dhaafay ee 2013, waxa xarumaha caafimaadka lagu baadhay 7511, waxaana cudurkan laga helay 325 qof, sida laga helay xog-ururin ay samaysay wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Haddaba, waxa warbixinta ku saabsan cudurka Hepatitis B, qaabka loo kala qaado iyo khatarta uu leeyahay warbixintan ka diyaarisay Wariye Nimco Maxamuud Ciise oo ka tirsan Idaacadda Afka Soomaaliga ku hadasha ee Radio Hirad oo todobaad kasta maalinta Jimcaha laga baahiyo barnaamijiyo isugu jira warar iyo warbixinno ku saabsan arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee deegaannada Soomaalidu degto oo siyaabo kala duwan loogu dhegaysto.

HALKAN KA DHEGAYSO.