Hargeysa: Warbaahinta Ka Jawaabtay Weedho Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa  (SL.Post) Qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala magaalada Hargeysa, ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu hore Warbaahinta ugu jeediyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi  Cabdi, kaas oo ku tilmaamay in Saxaafadu ay ku sifowday hanaan ku safowday qaab budhcadnimo ah.

 

warbaahinta

 

Wariyeyaashan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa warbaahintu qabatay, ayaa tibaaxuhu sheegeen inuu ka war-helay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu adeegsaday olole iyo  awaamiir salka ku haysa inaan warbaahinu tebin eedahan loo jeediyay.

 

 

Dhinaca kale Wasiir Xaashi ayaa amray in aanay Saxaafadu baahin muuqaalo iyo Sawirro ku taxaluuqa jawaabta iyo eedahan loo jeediyay isaga (Wasiirka Madaxtooyada).

 

La soco goor dhow warkan oo faaf-faahsan.

 

 

Somalilandpost.Net