Hargeysa: Ujeeddada Kulan Sal-ballaadh ah oo Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Jarmalka

Hargeysa (SLPost)- Magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta ku qabsoomay kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen masuuliyiin sar-sare oo kala socda Dowladaha Somaliland iyo Jarmalka, kaas oo lagu falan-qeeyey mashaariico horumarineed oo dowladda Jarmalku ka fulinayso gudaha dalka.

Kulanka oo ay ka qayb-galeen Wasiirrada Wasaaradaha qaabilsan Adeegyada Horumarinta Bulshada ee Somaliland, waxa si qoto-dheer diiradda loogu saaray mashaariico horumarineed oo ay dalka ka fuliyeen hay’ado caalami ah, kuwaas oo qaarkood la dhammeystiray, qaarkoodna wali gacanta lagu hayo, waxaana mashaariicda maalgelinaysa Dowladda Jarmalka.

Dhinaca Somaliland waxa kulanka uga qayb-galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Horumarinta Maaliyadda, Horumarinta Biyaha, Horumarinta Deegaanka, Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Horumarinta Beeraha, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Caafimaadka iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.

Halka dhinaca Dowladda Jarmalka ay uga qayb-galeen Xubno ka socda Wasaaradda Iskaashiga Dhaqalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayo u qayb-sanaha Bariga Afrika ee Wasaaradda iyo xubno kale oo tirsan Safaaradda dowladda Jarmalka ee magaalada Nairobi oo uu hoggaaminayo Safiir ku-xigeenka Safaaraddaas.

Faahfaahinta Warkan oo dhammeystiran kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com