HARGEYSA: Ujeeddada Kulan Dareen siyaasadeed abuuray oo Dhexmaray Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Qorshaynta ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, Cali Sanyare, ayaa ka warbixiyay kulan shaki abuuray oo Hargeysa ku dhexmaray beelaha Galbeedka Burco (HabarYonis) iyo Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), kaas oo ujeeddadiisu ahayd xod-xodasho beesha Galbeedka Burco taageero ugu raadinayso Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Cali SanyareBeelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa oo hayb ahaan wadaaga Magavca Beel-weynta Garxajis, ayaa kala taabacsan Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo labadooda Guddoomiye ka soo kala jeedaan.

HALKAN KA DAAWO CALI SANYARE IYO NUXURKA KULANKA UU KA HADLAY