Hargeysa: Tirada Dad ku geeriyootay iyo Khasaaraha ka Dhashay Roob Laxaad leh oo Galabta ka da’ay

 

Hargeysa (SLpost)- Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, ayaa fiidnimadii caawa la keenay Meydadka Saddex Qof oo ku geeriyooday Roobab mahiigaan ah oo galabta ka da’ay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Laba ka mid ah Saddexda Qof oo Rag ah, ayaa geeriyooday kaddib markii baabuurkii ay saarnaayeen uu qaaday Dooxa magaalada Hargeysa oo biyo badan ku soo rogmadeen, halka Qofka Saddexaad oo haweenay ahi uu u geeryootay Koronto Qabsatay.

Roobka oo muddo ku dhow 40 daqiiqo da’ayey, ayaa watay Dabaylo iyo Dhagxaan kaas oo ssababay inay soo go’aan Xadhkaha Korontada meelaha qaarkood isla markaana ay daadadku jidadka ku soo rogeen Dhagxaan iyo Qashin tira-badan.

Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay khasaaraha uu roobku geystay iyo hawl-gallo gurmad ah oo ay gelinkii dambe ilaa fiidnimadii caawa ka fuliyeen xaafadaha magaalada Hargeysa.

Warkan oo faahfaahsan kaga Bogo muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net