Hargeysa: Taliska Booliska oo ka hadlay Khamrigii ugu tirada badnaa oo gacanta lagu dhigay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ayaa hawl-gal ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa, waxa ay gacanta ku dhigeen maandooriyaha Khamriga oo tiro badan, gaadhigii siday iyo dadkii watay, waxaana hawl-galka ciidamada faahfaahin ka bixiyey taliska guud ee Ciidanka Booliska.

 

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan FOOXLE oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay ciidamadu soo-qabashada Khamriga ku guulaysteen kaddib markii ay in muddo baacsanayeen gaadhiga siday oo noociisu yahay Lancruiser.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE