Hargeysa: Suldaan Weedho Miisaan leh kaga Hadlay Xaaladda Dalka, Isbeddel ku yimi Madaxda Dhaqanka iyo Arrimaha Jabuuti

 

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan marayo, waxaanu weedho waano, tusaale iyo dar-daaran ah u jeediyey Xisbiyada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo khilaaf siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay dalka u dhexeeyo.

Suldaanka oo maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu si gaar ah uga hadlay Xaaladda gobolka Sanaag, saamaynta madax-dhaqameedku ku yeesheen muranka siyaasadeed ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda iyo sidoo kale dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay wadaan guddiga is-xil-qaantay ee ku dhex-jirta Isu-soo-dhaweynta labada dhinac.

Suldaanku waxa uu ugu horeyn ammaan u jeediyey Goleyaasha Deegaanka ee magaalooyinka Berbera iyo Gabiley oo wax-qabadkooda uu majeertay kuna tilmaamay inay masuuliyad weyn iska saaraan wax-u-qabashada shacabka ay xilalka u hayaan.

Waxaanu Muuqaalkan Hoose idiinku soo gudbinaynaa Hadalka Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo uu kaga hadlday dhinacyo kala duwan