HARGEYSA: Shirkadaha Bixiya qaybo ka mid ah adeegga Korontada Caasimadda oo cabasho ka muujiyey Xeer ay Wadaan Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost) – Shirkadaha Bixiya adeegga Korontada qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa,  ayaa cabasho ka muujiyey Xeer ay dabada ka riixayaan Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada,  xeerkaas oo suurtagelinaya in cid gaar ah kooto loogu xidho adeegga Koronta ee Caasimadda.

Shirkadahan oo kala ah Gaafane Power,  National Power iyo Telesom Power,  waxa ay cabasho ka muujiyeen xeerkan oo ay tuhunsan yihiin inuu adeegga Korontada ee magaalada Hargeysa kooto loogu xidhayo shirkadda Sompower oo bixisa inta ugu badan adeegga Korontada ee Caasimadda.

Faahfaahinta Warkan ka daawo muuqaalkan Hoose