Hargeysa: Shirkad bilaash ku qaadaysa Dadka u socdaalaya Gobollada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Somaliland Modern Bus oo ku soo biirtay shirkadaha Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala goosha gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa dadweynaha u ballan-qaadday inay maalinta Khamiista ah ee Berri lacag la’aan ku qaadayso dadka u safraya magaalooyinka waaweyn ee dalka.

 

Shirkadda oo xafiisyo kala duwan ka furatay magaalada Hargeysa isla markaana shaqadeeda si toos ah u bilowday maanta, waxa ay dadweynaha iyo cid kasta oo socdaalka danaynaysa ugu bushaaraysay adeegyo cusub oo shirkaddu bixin doonto isla markaana kaga duwan tahay shirkadihii hore ee dalka ka jiray.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE