Hargeysa:-Sheekh Carab oo ka Badbaaday Weerar Lagu Beegsaday

Hargeysa(Slpost)- Shiikh kamid ah culimo udiinka ugu waaweyn magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Sh.Maxamed Cabdi Carab,ayaa galabta ka nabad-galay isku day dil kadib markii ay koox dablay hubaysani rasaas la beegsadeen.

Rag hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa Sheekha rasaas ku furey maanta galinkii danbe, balse nasiib wanaag waa uu ka badbaaday. Waxaana lagu soo weerary gurigiisa oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa ku hawlan baadhitaan lagu ogaanayo raggii hubeysnaa ee soo weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Carab, wallow aanay wali ciidanku soo qaban raggii weerarka fuliyey.

Ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxday laamaha ammaanka ee Soomaliland oo la xidhiidha dhacdadan lagu soo weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Carab.