Hargeysa: Salaadiin iyo Cuqaal soo bandhigay Doorka Dugsiga Agoomaha ee Kuweit-gu ka qaadanayo Horumarka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan) oo ka mid ahaa Salaadiinta Somaliland, isla markaana hormood u ah masuuliyiinta sare ee Dugsiga Aggoomaha Kuwaiti-ga ee Hargeysa, oo maanta ka hadlayay madal ay ku kulmeen labaatan Madax-dhaqameed isugu jira Salaadiin iyo Cuqaal kasoo jeeda deegaanka Hargeysa, ayaa sharaxay doorka muhiimka ah ee Dugsiga Aggoomaha ee Kuwati-gu u leeyahay Bulshadda Somaliland iyo kaalinta uu kaha jiro horumarka dalka.

 

 

Suldaan Colhaye oo ku magacdheer Abu Salmaan, isla markaana Salaadiinta iyo Odayaasha kale kusoo dhoweeyay xarunta Dugsiga Aggoomaha , ayaa hadal uu ka jeediyay halkaa, wuxuu uga mahad-celiyay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo doorkii ay ku lahayd Dugsiga Aggoomaha ee Kuwaiti-ga oo sida uu sheegay haddii aanay doorkaa midhihiisa la arkayo ku lahayn aannu dugisga Aggoomuhu suurta galeen .

 

Sidoo kale, Suldaan Abu Salmaan, wuxuu u mahad eliyay xukuuumadda xilligan ee Muuse Biixi, wuxuuna sheegay in Dugsigaa ay hada dhigtaan 490 (Afar boqol iyo sagaashan Arday), isagoo ka warbixiyay sida uu ku yimi Dugsiga Aggoomaha iyo marxaladii uu soo maray, wuxuuna sheegay in 27 November 2007, la iibiyay dhulka Dugsiga laga dhisay, isla markaana ay naqshada dugsigaa kasoo heleen dhinaca dalka Djibouti oo sidan oo kale looga dhisay Iskuulkaa, isla markaana wuxuu xusay in markii ay wefdigii u horeeyay yimaadeen Somaliland ay soo tuseen suuqa dahabka iyo Lacagta, si ay u muujiyaan ammaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo nabadgelyada , sidaana ay wefdigii Kuwait ku qanceen in la dhiso Dugsigaa oo Madaxweyne Siilaanyo markii loo geeyay uu sidaa ku aqbalay.

 

Abu Salmaan, wuxuu sheegay in shanti Sannadood ee u danbeeyay uu shaqaynayay Digsiga Aggoomaha Kuwait-iga oo wax badan laga arkayo horumarka uu sameeyay , balse waxa uu sheegay in dadka Somaliland aanay ku wacnayn waxyaabaha sidan oo kale ummada loo qabanayo ee danta caamka ah, isagoo xusay in dugsigan loo qorsheeyay in dhawr sannadood kadib uu Iskuulku isagu dhaqaalihii lagu maamuli lahaa ula soo baxo, isla markaana la doonayo in magaalooyinka kale ee waaweyn laga dhiso dugsigan oo kale oo sida uu xusay Boorama laga dhsiay, halka Burcona uu dhismihiisu socdo, isla markaana Ceeraagbo iyo Laascaanood laga dhisayo.

 

 

Suldaan Abu Salmaan, wuxuu sheegay in Dugsiga loo qosheeyay 2021, in Dugsiga Aggoomaha iskii isku maamulo, sidaa awgeed loo sameeyay Bustaano khudrad laga beero oo lagu kabayo dhaqaalaha dugisga lagu maamulayo, sidoo kale wuxuu sheegay in Cusbitaalka ku yaal Hargeysa ee Kuwait uu yahay mid qayb ka ah qorshaha ilaha dhaqaalaha lagu maamulayo dugsigaa si mustaqbalka marka la gaadho xiliga ay dhammaato maalgelinta caawimada Kuwait loogu maamulo dakhliga kasoo baxa meelahaa . sidaa awgeed wuxuu ku dardaaray Xukuumadda iyo Bulshada kalena in aanu Dugsigu noqon sida Hay’addo badan oo Khayri ah ay u xidhmeen markii maalgelintii ka dhammaatay, sidaa awgeed waa in aanu Dugsiga Kuwaitigu noqon mid xidhma marka ay dhamaato maalgelintiisu.

 

Sidoo kale, wuxuu ka digay in hadalo dacaayad ah iyo dad dano gaar ah leh ay sabab u noqdaan dugsigaa iyo kaabayaashiisa dhaqaale ee la doonayo inay mustaqbalka noqdaan meelaha laga quudiyo kharashka ku baxaya dugsigaa.

 

Waxa kale oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee Dugsiga Aggoomaha ee Kuwatigu u leeyahay Bulshadda Somaliland iyo kaalinta uu kaha jiro horumarka dalka, Suldaan Axmed Maxamuud Cawad, Suldaan Siciid Hadhiye, Suldaan Cada-gude, Ugaas Aadan , Suldaan Naasir , Ugaas Xawaareeye,kuwaas oo dhammaantood ka hadlay ahmiyada uu Dugsiga Aggoomaha Hargeysa ee Kuwait-ga u leeyahay Somaliland, waxayna dawladda Kuwait ku amaaneen mashruucaa oo dalka laga fuliyay xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana midhihiisa la gunayo xilligan oo ay boqolaal caruur ah oo Aggoomo ahi ay ka faa’idaysteen.

 

Madax-dhaqameedka , ayaa bulshadda Somaliand, gaar ahaan Bulshada gobolka maroodi-jeex usoo jeediyay sidii loo wada ilaashan lahaa Dugsigaa qiimaha baddan iyo goobaha kale ee la doonayo inay mustaqbalka noqdaan meelaha ilaha dhaqaalaha u noqonaya ee laga quudinayo, iyagoo Suldaan Axmed Maxamed Col-haye oo ku magac dheer Abu Salmaan ku amaanay hawlaha samafalka ee sida ay sheegeen uu inta badan ka shaqeeyo iyo doorkii uu ku lahaa dhismaha dugsiga aggoomaha ee Kuwait-ga.