Hargeysa: Qalbi-dhagax oo si heersare ah loo soo dhaweeyey iyo Magac loo bixiyey

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa soon gaadhay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsan saraakiisha Sarsare ee Ururka ONLF oo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Soomaalida Itoobiya.

Cabdikariim Qalbi-dhagax oo noqonaya sarkaalkii ugu horeeyey jabhadda ONLF ee socdaal Ku yimaadda Hargeysa, waxa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa so ballaadhan ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Axsaabta, Xukuumadda, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan.

Booqashada Qalbi-dhagax ee Hargeysa ayaa ka dambaysay mari-qaad uu u fidiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo dhawaan at kulan Ku yeesheen magaalada Nairobi. Iyadoo Eng Faysal Cali Waraabe uu markii dambe xukuumaddu ka aqbashay qorshaha marti-qaadkiisa oo uu u gudbiyey.

Faahfaahinta Warkan iyo magac cusub oo loo bixiyey Qalbi-dhagax, kaga boqo muuqaalkan Goose